Hargeysa: Tabobar loo soo Xidhay Agaasime Waaxeedyo

0
167

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Dawladda Mudane Khaalid Jaamac Qodax iyo wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Dr. Cabdiwali Cabdillaahi Suufi iyo wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa soo xidhay tababar loo qabanayay agaasimayaasha Cududda Shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda kaas oo ku saabsanaa nidaamka casriga ah ee maaraynta cududa shaqaalaha.

Tababarkan waxa ka faa’idaystay 55 xubnood, kuwaas oo la siiyay shahdooyinkii ay mutaysteen.

Wasiiradda iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay maamulka shaqaalaha dawladda iyada oo tababarkanina uu qayb ka yahay hirgelinta nidaamkan oo ay Hay’adda Shaqaaluhu in muddo ahba ka soo shaqaynaysay.

Gudoomiye Khaalid Jaamac Qodax ayaa sheegay in tababarkan kiisa xigga ay siin doonaan shaqaalaha dowladda, agaasime waaxeedyadii hore loogu tababarayna ay kaga shaqayn doonaan laamihii dowladda ee ay ka kala yimaadeen.

Hirgeinta nidaamkan Maamulka shaqaalaha dawladda ee HRMIS waxa uu qayb ka yahay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee ay hay’adda Shaqaaluhu hagayso kaas oo gacan weyn ka gaysan doona hufnaanta iyo daah-furnaanta hannaanka maamul ee shaqaalaha dawladda sida saacadaha shaqada, fasaxyada, shaqaalaysiinta, shaqo ka saarista, dallacaadda, iyo wixii la midka ah.