Israa’iil oo Gaza ka billowday afar saac oo xabbad-joojin maalinle ah

0
79

Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay bilaabi doonto dhaqangelinta xabbad-joojin maalinle ah oo afar saacadood ah hawlgalkeeda milatari ee ka dhanka ah Xamaas ee waqooyiga Gaza, laga bilaabo Khamiistii shalay.

Ku dhawaaqidda afhayeenka golaha amaanka qaranka John Kirby ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada difaaca Israel ay magaalada Gaza kula dagaalameen xoogaga Xamaas, waxaana magaalada isaga cararay dad badan oo Falastiiniyiin ah.

Kirby waxa uu sheegay in xabbad-joojintu ay siineyso Falastiiniyiinta wakhti ay ku baxsadaan, iyaga oo isticmaalaya laba waddo oo bini’aadantinimo, ayna ka dhigan tahay horumar la taaban karo oo lagu dhimayo khasaaraha dagaalka.

Kirby waxa uu sheegay mar uu la hadlay warfidiyeenada: “Israa’iiliyiintu waxa ay nagu wargeliyeen in aanay jirin wax hawl-gal ah oo milatari oo ka dhici doona aagaggaas inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta, hawlgalkani waxa uu bilaabmayaa maanta,” isaga oo intaa ku daray in fikradda joojinta ay timid intii lagu guda jiray wadahadal u dhaxeeyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Israa’iil ayaa weerarkeeda qaadday iyada oo jawaab u ah weerarkii Xamaas ee ka dhacay koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar oo ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof oo u badnaa rayid. Xamaas ayaa sidoo kale qafaalatay ilaa 240 qof.

Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo wadamo kale oo reer galbeed ah ayaa ururka Xamaas u aqoonsaday urur argagixiso.