Nuxurka Safar Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Ku Tagay Magaalada Wajaale

0
57

Wajaale (Dawan) Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim Dalmar ayaa safar shaqo ku tagay magaalo ganacsiyeedka Wajaale, safarkaasi ayaa ujeedadiisu ahaa kor-u-qaadista shillinka Somaliland iyo fulinta go,aamadii guddida xakmaynta sicir bararka iyo kor-u-qaadista qiimaha shillinku ay soo-saartay Somaliland.

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somlailand Maxamed Qaasim Dalmar ayaa halkaasi kulan kula qaatay ganacsatada magaaladda Tog-wajaale iyo maamulka degmadaasi, halkaasi oo uu kala hadlay sidii loo fulin lahaa go,aamada ay soo-saareen guddida xakamaynta sicir bararka iyo kor-u-qaadista shillinka Somaliland isla markaasi loo isticmaali lahaa shillinka Somaliland.

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim Dalmar ayaa kulanka uu la qaatay ganacsatada iyo masuuliyiinta magaalada kadib ka warbixiyay safarkiisan u uku yimi magaalo ganacsiyeedka Wajaale waxaanu fariin u diray bulshada magaalada isaga oo ugu baaqay inay baanka dhexe la soo wadaagan haddii ay arkaan cid khilaafaysa awaamiirta uu sida joogtada ah u soo saaro baanka dhexe waxaanu yidhi

‘’maanta waxaanu soo gaadhnay magaalada Wajaale, magaalo xuduudeedka, safarkaygu waxa uu daarnaa in aynu xoojino qodobadii ka soo baxay guddida la dagaalanka sicir bararka iyo kor-u-qaadista shillinka Somaliland.

Waxaanu magaaladan kula kulanay guddida ganacsatada Tog-wajaale, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu dhaq-dhaqaaqa badan xaga dhaqaalaha, wali waxa aynu wadnaa olole ah kor-u-qaadista shillinka iyo isticmaalkiisaba.

Waxaanu wadnay oo baanka dhexe uu xooga saaray in uu la dagaalamo sarif bararka taagan, waanan ku guulaysanay oo muddo sadex casho gudaheed ah ayaanu boqolkiiba afar aanu hoos u soo dajinay doolar-kii shillinkiina kor-ugu qaadanay, taasi waxa ay muujinaysa in xukuumadda Somaliland ay mar walba diyaar u tahay in ay shacabka ka illaaliso in xaga miciishada ama quutal-daruuriga dhibaato kaga timaado.

Hal fariin ah ayaa halkan kaga faa’iidaysanayaa oo aan u dirayo ganacsatada waxaan leeyahay muwaadin madaama markii hore ay ahayd qodobka aad adeegsanaysay marka aad shayga dalacayso oo aad lahayd doolar-kii intaasi maha oo intaasi ayuu marayaa maanta la jaan-qaad caddadka baanka dhexe uu subax walba soo-saaro.’’