Tirada dadka Hindiya oo dhaaftay tirada dadka Shiinaha- UN

0
116

Hindiya ayaa dhaafi doonta Shiinaha oo noqon doontay dalka ugu dadka badan adduunka, Qaramada Midoobay ayaa sidaa sheegtay. Dadka Hindiya ayaa la filayaa in ay gaadhaan 1,425,775,850 qof dhammaadka Abriil, sida ay muujinayso xogta cusub. Hay’ad kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa horeu saadaalisay in India ay dhaafi doonto Shiinaha badhtamaha sanadkan. Wadamada Aasiya waxay ku xisaabtamayeen in ka badan saddex meelood meel dadka aduunka in ka badan 70 sano. Shiinuhu waxa uu ka tanaasuli doonaa isla markaana uu waayi doonaa maqaamkii uu mudada dheer haystay ee ahaa dalka ugu dadka badan aduunka, sidaa waxa sheegtay warbixin ay soo saartay waaxda dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Qaramada Midoobay (DESA). Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay ayaa usbuucii hore in Hindiya ay yeelan doonto 2.9 milyan oo qof oo ay ka badnaan doonto Shiinaha badhtamaha 2023. Heerka dhalashada Shiinaha ayaa hoos u dhacay dhawaanahan, iyada oo dadkeedu ay hoos u dhaceen sannadkii hore markii ugu horreysay tan iyo 1961-kii. Dadka Shiinaha ayaa hoos u dhici kara 1 bilyan ka hor dhammaadka qarniga, ayay tidhi DESA. “Marka la barbardhigo, dadka Hindiya waxaa la filayaa inay sii kordhayaan dhowr iyo toban sano,” ayaa la raaciyey. Sahan ay samaysay hay’adda UNFPA ayaa inta badan dadka Hindida ah waxay sheegeen in dadkoodu aad u badan yihiin isla markaana heerka bacrimintooduna aad u sarreeyo. Ku dhowaad laba ka mid ah dadka wax la weydiiyey ayaa arrimaha dhaqaalaha ku tilmaamay welwelka ugu sarreeya marka laga fekerayo kobaca dadweynaha. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baadhayaasha, ayaa sheegaya in dadka Hindiya ee ka sarreeya Shiinaha aan loo arkin arrin walaac leh oo ay ka taxaddaraan walaaca tirada sii kordheysa. “Taas bedelkeeda, waa in loo arkaa inay astaan u yihiin horumarka iyo rabitaanka haddii la dhowrayo xuquuqda iyo doorashada shaqsiga,” ayaa lagu yidhi warbixinta Qaramada Midoobay.