Way ka da’ weyn yihiin in ay xil qabtaan hadna way u tartamayaan

0
120

Da’da dhexdhexaadka ah ee Maraykanku waa ilaa 39 jir, laakiin qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha waddanka oo ay ku jiraan qaar ka mid ah xafiisyada ugu sarreeya ayaa da’doodu ka weyn tahay 60 jir. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waa 80.

Madaxweynihii hore ee Donald Trump, ayaa hadda ah musharaxa ugu cadcad doorashada sanadka 2024 waa  musharaxa xisbiga Jamhuuriga da’diisuna waa 77. Waxa kale oo la arkay da’da xildhibaanada golaha Senate-ka Maraykanka in ay aad u da’ weyn yihiin. Senate-ka Maraykanka Celceliska da’dooda  waa 64 jir.

Arrimaha caafimaadka Senate-ka qaarkood ayaa haatan ah wararka ugu badan, siiba kuwa ugu da’da weyn. Hogaamiyaha aqlabiyada Aqalka Senate-ka  Mitch McConnell, oo 81 jir ah, ayaa dhawaan laba dhacdo ku dhacday isaga oo meel fagaare ah ka hadlaya. Wuxuu joojiyey hadalka muddo. Senator Dianne Feinstein, oo dhowaan geeryootay waxay ahayd mudanaha ugu da’da weyn waxay ku dhimatay 90 jir bishii Sebtembar, ayaa ahayd xubinta ugu da’da weyn Senate-ka.

Ma jirto da’ loo xadiday madaxda maraykanka laakiin Joe Biden oo xilka madaxweynaha Maraykanka loo dhaariyey January 20, 2021 waa madaxweynaha ugu da’da weyn haatan waa 80 jir. Ra’yi ururin la sameeyay 2022 ayaa muujisay in in ka badan kala badh dadka Maraykanka ah, 58%, ay aaminsan yihiin in la xadido da’da madaxda la dooranayo, weliba boqolkiiba 39% in xadidaadu in qofka la dooranayaa aany ka weynaa 70 jir.

Su’aasha ku saabsan da’da weyn iyo hogaanka dad badani waxay qabaan in jawaabteedu aanay fududayn, sababta oo ah dad badani waxay yeelan karaan awoodo iyo daciifnimo kala duwan wakhtiyo kala duwan oo noloshooda ah,  sida ay qabo Casey Brown, oo ah kaaliyaha borofisar cilmi-nafsiga ee Jaamacadda Georgetown oo ka tirsan guddiga hogaaminta ee Xarunta Da’da Caafimaadka ee jaamacadda.

Waxa cilmigu inoo sheegayo in shaqo garashadu ay bilaabato inay hoos u dhacdo horaanta isaga oo aanu qof aad u weynaan, ayay tidhi.

“Sida caadiga ah, guud ahaan guddiga, qayb ka mid ah geeddi-socodka gabowga ee caadiga ah, waxaa jiri doona isbeddello dhinacyo gaar ah oo ka mid ah hawlaha garashada,” Brown ayaa yidhi. “Waxyaabaha kala duwan ee ka jira goobta shaqada fulinta ayaa laga yaabaa inay tahay awoodda isticmaalka xusuusta shaqada. Marka, tusaale ahaan, in hal mar maskaxda lagu hayo tirada shay oo lagu maareeyo macluumaadka madaxaaga waxa ay noqon kartaa mid aad u adag. Qadarka macluumaadka aad maskaxda ku hayn karto hal mar waxay u egtahay inay hoos u dhacdo.”

Biden waa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee Maraykanka taariikhda Maraykanka. Wuxuu ahaa 78 jir caleema saarkiisa 2021. Trump oo 70-jir ahaa markii sanadkii 2017 xilka loo dhaariyay ayaa ah madaxweynihii labaad ee ugu da’da weyn, waxaana ku xiga Ronald Reagan oo 69-jir ahaa markii uu madaxweynaha noqday. Qiyaastii boqolkiiba 10% dadka ka weyn 70 waxa ku dhici kara xannuunka Dementia oo ah inuu wax ilaawo ama soo asaasaqo.  Madaxweynayaasha Maraykanku waa inay ahaadaan ugu yaraan 35 sano si ay u shaqeeyaan. Shuruudaha da’da ugu yar ee Golaha Wakiiladu waa 25 jir, iyo 30 jir golaha Senate-ka ama  Guurtida. Laakiin xadka ugu weyn lama sheegin.
“Haddii aan eegno xaaladda Madaxweyne Biden, haddii dib loo doorto, wuxuu geli doonaa da’ asal ahaan aan hore loo arag marka loo eego awoodda uu ku noqon karo madaxweynaha Maraykanka,” ayuu yidhi. laakiin codbixiyayaasha ayaa leh go’aan ka cidda la dooranayo.”

Jacobson waxa uu sheegay in isku dayga lagu doonayo in xal loo dejiyo, sida in la xadido da’da masuuliyiinta dawladda, ay la kulmi doonto iska caabin, waxa uu sheegay in ay fiican tahay in hoggaamiyeyaasha da’da ahi ay si iskood ah iskaga tagaan sida Senator Mitt Romney, oo 76 jir ah, kaas oo ku dhawaaqay in uu xilka ka tagayo sanadka 2025 si loo helo jiil cusub oo hogaamineed. “Waa wakhtigii ragga aniga oo kale ah ay jidka ka bixi lahaayeen,” ayuu u sheegay suxufiyiinta Sebtembar,

xog ayaa muujineysa in dadka Maraykanka ay noolaadaan wakhti dheer, sanadkii 2021 la ogaaday in jiraan  89,739 qof  oo da’da 100 jirka ah  Maraykanka, ku dhawaad ​​laban-laab ayey ka badan yihiin kuwii jiray 20 sano ka hor.

Dadka da’da ah ayaa sidoo kale u muuqda inay maanta ka caafimaad badan yihiin jiilalkii hore, sida laga soo xigtay Machadka Qaranka ee Caafimaadka , kaas oo ogaaday in caado dehaqameedkoodii caafimaadka leh ay dadkaa ku hayn karaan firfircooni.

Dadka da’da ah waxay u muuqdaan inay luminayaan dareenkooda nololeed hadii laga saaro hawl qabadkooda, taas ayaa laga yaabaa in ay saraakiisha la doortay ay si fiican ugu dheggan yihiin boosaskooda iyo ka-qaybgalka bulshada,” Brown ayaa sidaa yidhi.