Xikmadaha

0
158
  • Haku murugoon wixii tegay, hana ka baqan mustaqablka, Talada Allah u dhiib waad guulaysane
  • Nolosha waxay ina bartay in shaqada fiicani ay ka wanaagsan tahay hadalka.
  • Waxay ina bartay in qofka guusha gaadha yahay kan sabirka iyo dulqaadka badan.
  • Haddii Biyuhu hadlayaan waxay ku odhan lahaayeen kuwo badan qalbiga maydha jidhka intaanad maydhin.
  • Waxay ina bartay in tijaabada badan iyo quusta farqi weyn u dhexeeyo.
  • Waxay ina bartay in markaad qoslayso dunida kula qoslayso, laakiin marka oohinta kulama ooyaan.
  • โ€œWeligaa haku daalin waxa ku dhaafay si aan u murugoon, hana ka baqan mustaqbalka si aanad u fashilmin, iska dhaafa werwerka, farax oo Allah (sw) talo saaro waad guulaysane.โ€
  • Saxaabiga Abuhurayra (rc) wuxu yidhi โ€œ Waxa jira saddex arrimood oo lagu badbaado iyo saddex kale oo lagu halaagsamo.
  • Allah (sw) oo laga cabsado, wanaagga oo aad ka shaqayso iyo inaad noqoto ruux caadil ah waa saddex lagu badbaado.
  • Saddexda halaagaย  ahina waa hawadaada ood raacdo, naftaada oo ku yaab gelisa , iyoย  bakhaylnimida.