Xanuunada Caajisku Iyo Fadhiga Badan

0
222

Daraasad cusub oo ay soo saartay hay’adda caafimaadka Aduunka (WHO) ayaa cadaysay in caajisku iyo shaqo la’aan la fadhiyo saacado badan iyadoon waxba la qaban ay noqotay kan afaraad ee dunida sababa geerida.

 

Wargeyska Daily Mial ee dalka Ingriiska, oo daabacay warbixintan ayaa dadka ku dhiirgeliyay in laba saacadood oo kasta ay sameeyaan jimicsi iyo inuu socdo isagoo lugaynaya, halkii uu ka dul fadhiyi lahaa qalabka Technooljiyada oo wakhtigan dadku caado ka dhigteen.  Daraasadda ayaa cadaysay in wakhtigan 38% dadka xafiisyada aanay istaaginba iyagoo wixii waajibaad ah ay ku gutaan network xafiisyadooda ku xidhan.

Daraasadda ayaa intaasi ku dartay in 70% dadku xaafiisyada ay fadhiyaan maalintii 9 ama in ka badan , waxaana ay intaasi ku daraty in shaqaalaha mudada dheer fadhiyaa ay la kulmaan muhskilado caafimaad. Daraasadda ayaa sidoo kale ka digtay cabista sigaarka iyo fadhiga dheer kaasi oo sababa xanuunka Kansaka iyo weliba inuu keeno xanuunada halista ah ee wadnaha