“Annaga oo Arday ah Ayuu Halkan Wasiir Nagala Dardaarmay, Anna Maanta Ardayeey…”

0
98

Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa Maxamed Mustafe Bidhaan Xaaji Daahir,ayaa Ardayda dugsiga Gurya Samo ee Caasimadda Hargeysa faray dardaaran isaga iyo ardaydii ay isku wakhtiga ahaayeen oo dhiganayay isla Isguulka Gurya Samo uu kula dardaarmay Wasiirkii xilligaas ee waxbarashada Somaliland ALLE ha u naxariistee Xasan Gadhweyne oo ku guubaabiyay ardaydii xilligaa dugsiga dhiganaysay

Guddoomiye Maxamed Mustafe Xaaji Bidhaan oo ka qayb galay munaasibad lagu abaal marinayay ardayda kaalmaha hore ka gashay sannad dugsiyeedka 2022/2023,ayaa ka hadlay markii uu ardayga ka ahaa isguulka Gurya samo iyo dareenkiisa maanta   waxaanu yidhi. “Isguulkan quruxda badan ee aynu xafladda ardayda loo qabtay  ku muunaynayno waxaan ka ahaa araday waliba isagoo burbrsan oo aanu xaadh xaadhanay ayaan wax ku baran jirnay waxaan   halkan aad uga hambalyaynayaa Maamule Xaamud oo macain nagu ad adag ahaa oo aan u arkayay in uu na dhibayo laakiin imika aan ogaaday wuxuu sidaa noogu ahaa in ay ahayd dantayada iyo in aanu wax noqono,waxaan xasuustaa waxaa xaflad sidan oo kale ah noogu yimi ALLE ha u naxariistee Xasan Gadhwayne oo markaa ahaa wasiirkii waxbarashada,waxaanu nagu ydhi hadal ay inta badan madaxdu ardayda ku tidhaahdo o ah waxaa idinku jira madaxdii Berri,duuliyeyaashi Berri,hoggaamiyeyaashii Berri abwaanadii berri,waxaan qiraa in intaasiba ay lodkayagii in ay kasoo bexeen oo imika halka diyaaradaha Madaarka Hargeysa laga hago lodkayagii ay ka shaqeeyaan oo abwaanadii ay kasooo bexeen oo madaxdii ay kasoo naxday anna waxaan idin leeyahay waxaa idinku jira madaxweyneyaashii berri ee dedaala oo wax akhrska ogaada.”

Guddoomiye Maxamed Bidhaan,ayaa intaa raaciyay. “anoo ku hadlaya magaca golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo magaca Maayerka caasimadda ba waxaan ballan qaadaynaa in wixii aanu awood no markasta in aanu la garab taagganahay isguulka Gurya samo Sharaf gaar ahna way ii tahay in isguulkaygii manta aan wax ka qabtay oo aan ku faanayo in anoo degmada masuul ah ah in aan bilicdiisa iyo wanaajintiisa baa an kala shaqeeyo maamulka Isguulka,waxaanan leeyahay ardayda Gurya samo ardayda kale ee isguulada waad ka nasiib  badan tiihiin kol haddaad Maalule Ibtisaan iyo Xaamud haysataan waanan idin garab taagannahay.”