“Maxay u Iloobayaan Waxa ka Horeeya!” Faallo: Xuseen Cali Nuur

0
164

Aqooni kuma yara, waana waayo-arag, isla mar ahaantaana mararka qaar waa  kuwa aad loola yaabo oo aan u tudhis bulsho lahayn.. Tallabooyinka noocan ah kuwa ku kacayaa, waa kuwo damacu ka noqday dabeecad iyo dhqan, waxayna illowsan yihiin waxa ka horreeya sugayana..

Waa arrin la yaab leh oo aan si fudud loo fahmi karayn, una baahan in si qoto-dheer loo darso looguna fiirsado,waxa ku kallifaya, in safar hawl yar oo fudud uu uga door bidaayo safar dhibaata iyo dhixitaanba leh.

Ganacsatada wax ayaa uga soo dega dekadaha Berera iyo Jabuutiba. Waxaase la yaab leh Berbera oo dalkeenna Somaliland ku taal, waddooyin wanaagsan oo Hargeysa ku xidhayana leh, waxay qaar badani u jecel yihiin in safarradoodu soo maraan jidka Lowyacaddo iyo Hargeysa isku xidha.

Muddo toddobaad ka badan Saldhigga DALOODHO ee magaalada Hargeysa hortiisa waxa lagu hayaa 4 gaadhi oo kuwa xamuulka ah oo waaweyn; oo ay ciidammada Boolisku soo qabteen, waxaana  la sheegayaa in afarta gaadhiba saaran yihiin BARIIS LA YIDHI tayadiisa ayaa xun oo bulshadu ma isticmaali karto.

Waxaan arki jirnay ama maqli jirnay raashin, dawo ama sharaab dhacay oo ay Dawladda Hoose intay qabato la gubo. Waxa kale oo aan ognahay in hawlgallada booliska maandooriyaal khamri ama xashiishad ah oo la qabtay la qubay ama la gubay.

Hase ahaatee, waa markii ugu horreysay taariikhda dalka oo BARIIS 4 gaadhi oo raran oo dalka dhinaca Jabuuti ka soo galay ay Boolisku qabtaan. Bariiska xaddigaa leeg, waxaan filayaa iney dalka keeni karaan Sharikado, Maalqabeenno ama ganacsato isku tagtey. Wixii tallaaba ah ee lagu  qaadayana waa mid u taal hayadaha sharciga.

Rashin waqtigiisu dhacay oo la cuno wuxuu leeyahay xummad, dhaxan,calool xanuun, wareer iyo mantag. Waxa la sheegaa oo kale in la cuni karo, haddii aan astaamaha qaarkood lagu arag, in kasta oo muddo aan la sheegin, balse bariis dhacay ama xumaaday waa halis caafimaad-darro oo galaafan karta nolosha dadka.

Si kastaba arrintu haahaatee waxa loo bahan in aanay ganacsatadu illoobin in ganacsigu ku yahay ammaano, loona baahan in la ilaaliyo.

  • Waxa loo baahan yahay in aan xasuusnaano in qof kasta oo ammaana loo dhiibaa looga baahan yahay in uu ilaaliyo ammaanada. Ammaanada oo ah shayga ugu horreeya ee dunida laga rafici doono.
  • In la xasuusnaado in AMMAANADU Ilaahay u magan gashay, la iskana ilaaliyo, maadaama uu Ilaahay ogyahay, lana socdo ficil kasta oo aan ku kacno.
  • Nebi Muxamad (NNKHA) waxa uu noo sheegay (In ninka na khiyaameeyaa aanu naga mid ahayn. Digniintaasina waxay daarran tahay cidna kama qarsoona, ee yaan la illobin xisaabtanka EEBBE ee naga horreeya)