Madaxweynaha JSL, Musharax Cirro iyo Guddoomiye Kaahin oo Kulan ka Yeeshay Difaaca Qaranka

0
123

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed,ayaa ka wada hadlay difaaca qaranka arrimaha nabad gelyo ee dalka iyo doorashooyinka dalka ku soo fool leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa  Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu weheliyo siyaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koobaad ee Xisbiga KULMIYE mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland la yeeshay madaxda Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ayaa lagaga wada hadlay isla markaana diirada lagu saaray xaaladda guud ee dalku marayo .

Waxaana kulanka la iskaga xog waraystay guud ahaan xaaladda dalka, waxaana la isla qaaday in loo midoobo difaaca Qaranka, mudnaantana la siiyo midnimada iyo danaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa sidoo kale laga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh dalka, waxaana la isla qaatay in Komishanka Doorashooyinka Qaranka looga dambeeyo arrimaha khuseeya doorashooyinka.