Madaxweyne ku Xigeenka oo Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha ee Borama

0
66

Borama (Dawan):-  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti ballaadhan oo uu hggaainayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Boorama Xarunta Gobolka Awdal,ayaa dhagax dhigay Garoonka diyaaradaha ee Boorama.

Munaasibadii dhagax dhiga garoonka waxa ka qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo madaxda heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal iyo marti sharaf kale.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan, ayaa sheegay in 2 Km uu noqon doono dhismaha garoonka diyaaraha ee magaalada Borama, waxaanu xusay in dhakhso loo dhammeyn doono, waxa uu intaas raaciyay in ay bannayn doonaan 800 km oo garoonka dhulkiisa ah, kaas oo laga durkinaayo dadka deggan, waxaanu ballan qaaday in bisha 6aad ay duulimaadyadu ka bilaabmi doonaan.

Wasiiradda wasaaraddaha waxbarashada iyo ganacsiga ayaa bulshada faray inay la shaqeeyaan maamulka gobolka Awdal, isla markaana ay garab istaagaan horumarka, sidoo kale waxa ay tilmaameen in xukuumadda Somaliland ay maalgelinayso dhismaha garoonka magaalada Boorama.

Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka ayaa dowladda hoose ee Borama ka codsaday inay keenaan qalab ay kaga qayb qaadanayaan dhisamaha garoonka, intaa kadib waxa ay uga sii gudbeen degmada Qulujeed ee gobolka Awdal, oo siweyn loogu soo dhaweeyay.