Waalid Ubadkaaga ka Daba Kaalay Dugsigu Xabsi Maahee”

0
88

 

Hargeysa(Dawan:- Maamulaha Dugsiga hoose dhexe ee Guryasamo ee Caasimadda Hargeysa,  Ibtisaan Ibraahin Ismaaciil ayaa ka hadashay kaalinta waalidku  ku leeyaay waxbarashada Ilmaha iyo horumarkiisa,waxaanay ku dheeraatay in aanay isku mid ku ahayn waxbarashada ubadka waalidku ay daba socdaan ee ay ka war hayaan iyo ubadka aan laga daba iman waalidkuna aanu la xisaabtamin.

Maamule Ibtisaan oo ka hadlaysay munaasibad isguulkeedu u qabtay ardaydii kaalmaha  hore ka gashay  sannad dugsiyeedka 2022-2023. Oo lagu qabtay isla dugsigaas,ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka Dugsiga ee gain hore iyo  galin dambe macalimiinta dugsiga,guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe maamuleyaal dugsiyo kale,waalidiin,ardayda Isguulka iyo marti Sharaf kale.

Maamulaha Galinka Dambe ee Dugisga Gurya Samo Xaamud Cabdi Cabdilaahi oo ka hadlayay furitaankii Munaasibadda,ayaa sheega in uu aad ugu faraxsan yahay in arday dugsiga Gurya samo ka baxday oo uu macalin u soo ahaa kana mid ahaan jiray aradyadiisa oo manta madax ahi in ay kala soo qayb galaan munaasibadda Abaal marinta ardayda kaalmaka hore sannad dugsiyeedkan uga gashay guud ahaan Somaliland oo uu hoggaaminayo isguulka Gurya samo.

“Waxaa farxad wayn ii ah in ay munaasibadda xafladda  nagala soo qayb galeen arday ka baxday isguulka Gurya samo oo aan waliba macalin usoo ahaa oo manta madax ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe Maxamed Mustafe Bidhaan Xaaji Daahir, waxaan idiin sheegayaa ardayeey in la idinka sugayo in aad idinkuna dedaal muujisaan,manta dugsiga Gurya samo wuxuu hoggaaminayaa dugsiyada hoose dhexe ee dalka oo uu kaalmaha hore kaga jiraa waxaanan ardayeey idinku baraarujinayaa in aad halkaa ka soo horumartaan oo sidaa guddoomiye Bidhaan aad idinkoo Madax ah halkan aad isa soo taagtaan.”

Maamulaha Dugsiga Gurya Samo Ibtisaan Ibraahin Ismaaciil,ayaa dhankeeda u mahad naqday Maamulka Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, ahaan Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ay sheegtay in uu Isguulka wax wayn kala wabtay  dhanka nadaafadiisana uu gacan wayn ka geysto.

Geesta kale Maamule Ibtisaan waxay farriin waano ah  dirtay waalidinta carruurtoodu dhigtaan Dugsiga Gurya samo,waxaanay tidhi. “Marka hore ALLE ayaa mahad leh oo inagu simay in aynu carruuteena ku baal marino halkan oo xafladdan quruxda badan u qabano,waxaan mar labaad u mahad naqayaa ardayda dugsiga Gurya samo oo dedaal kii waalidka iyo kii macalinkuba ay ka muuqdaan oo wada gudbay waana guul isguulka u soo hoyatay, intaa waxaa dheer oon aad ugu mahad naqayaa Maayerka caasimadda Hargeysa oo wax kasta oo  ah baahida isguulka oo aanu ula tagno noola diyaar ah.”

Maamule Ibtisaan oo la hadlaysay waalidka ayaa tidhi. “ waxaa jira waalid badan oo ku xidhan isguulka oo ubadkooda ka war haya laakiin waxaa ka badan waalid kale oo aan kaba daba imanin carruurtooda,waxaan idin leeyahya isguulku xabsi maaha ee ubadkiina ka daba yimaadda oo ka war haya oo waalid marka lagula soo hadli ka jawaab mobilka oo ilmahaaga naga warayso oo nala ogow carruurta manta xumad baa jirta,ilamahaaga ayaa wax lagu dhufan karaa isaga ayaa wax gaysan kara markaa ubadka nala ogoow.”

Dhinaca kale dhammaan marti sharaftii ka hadashay munaasibadda lagu qabtay dugsiga Gurya samo ayaa si wayn ugu ammaanay Maamule Ibtisaan dedaalka ay gelisay Isguulka iyo is bedelka ka muuqda.

Ugu dambayn munaasibadda ayaa lagu soo afmeeray abaal marin no kala duwan oo la guddoonsiiyay,arday waalidiin iyo macallimiin.