Aqoontii gaabnayd ee cilmiga caafimaadka ee Yurub iyo Maraykanka ka jirtay ayaa horseeday qarnigii 19aad in ay caan ka noqdaan cilaajyadii ay ku shaqaysan jireen dad sheeganayay inay kuwo aqoon u leh daawaynta xanuunada ku dhaca Aadamiga oo dhan.
Cilaajyadaasi waxa ka mid ahaa mid ay ka furatay islaan lagu magacaabi jiray Barfield Hazzard oo dadka badankooda loo keeni jiray in lagu daweeyo. Waxaana ay can ku ahayd naanaysta โ Dhakhtarkii Gaajadaโ.ย ย Waxay ahayd islaan cunsuriyad ah, beenalay ah oo khiyaamo badan. Xarunta caafimaadka ee ay ka shaqaynaysay oo ku taallay gobolka Washington ayay ka dheceen dhimashooyin badan.
Islaantani Waxba kamay aqoon cilmiga caafimaadka laakiin waxay ka faaโiidaysatay sharcigii iyo nidaamkii aan adkayn ee Maraykanka oo wakhtigaasi kala dhantaalaa. Arimahaasi ayaa keenay inay iskeed ugu shaqaysato khurafaad ay aaminsanayd iyo aqoondaro horaantii sanadkii 1900.
Astaanta halkudhiga dewaynteeda ayaa ahaa โ Gaajada aya bogsiisa xanuunadaโ. Waxaana ay ay can ku ahayd inay cuntada u diido bukaanada iyadoo u ogalayd oo keliya wax yar oo tamnaadho cas ah iyo maraq dhir lagu daray.
Xaqiiqdii waxay aaminsanayd in gaajadu ay jidhka ka baabiinayso dhamaan sunta iyo xanuunada ku jira.
Waxay ahayd arrin laga xumaado in bukaano badani oo ka cabanayay gaajo aanay u ogolaan raashin ilaa ay ku dhinteen. Sanadkii 1902 ayuu Bukaankii u horeeyay gaajo ugu dhintay laakiin waxay ku guulaysatay inaan garsoorka iyo maxkamadaha loo gudbin.
Mudadaasi wixii ka danbeeyay iyada ayaa fasax u heshay cilaaj gaar ah, waxaana xarunta cilaajkeeda gaajo ugu dhintay 40 qof.
Waxa kale oo ku jiray bukaan kale oo iyana wakhtigaasi ugu dhintay rasaas madax kaga dhacday oo ilaa maanta kiiskiisu yahay hal xidhaale aan la fahmin.
Dadka aqoonta caafimaad lahayn waxay ku abuuraan mushkulad ka sii weyn tan haysta bukaanka.
Islaanta Hazzarda waxa ay ku dhalatay gobolka Minnesota sanadk,ii 1867, waxaana ay dhimataya 1938, iyadoo cuntada ka soontay sida ay aaminsanayd u arkaysay inay dawo u tahay gaajadu.
ย