Hargeysa(Dawan):-Wasiirka cusub ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Axmed Maxamed Habane ayaa shalay si rasmiya xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame.
Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen
Wasiirka cusub ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Axmed Maxamed Habane iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiir ku xigeenka Wasaarada beeraha Maxamuud Jaamac Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqogalinta iyo arimaha Bulshada Yurub Abiib Cabdi Agaaasimaha Koomishanka Tamarta Maxamed Maxamuud Cabdi malaw Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo masuuliyiin kale.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay wixii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay.Waxaana uu yidhi”Markii aan imid Wasaarada,waxa aan ka bilaabay in aan iskugu yeedho aqoonyahankii Somaliland ee Beeraha oo fadhiyay maqaaxiyaha oo aan camalhan in aan yidhaahdho taliya.taladii ay bixiyeen ayaa ila hada socoto waxa ku jira rag aduunka ka soo shaqeeyay,”.
Wasiirka cusub ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Axmed Maxamed Habane oo isaguna hadal ka jeediyay ayaa waxa uu tilmaamay in sii ambo qaadi doono horumarkii uu Wasaarada gaadhiiyay Wasiirkii hore.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u mahadnaqayaa Wasiirkaygii saxiibkay oo aan xilka kala wareegayo, waxaana aan si ambo qaadayaa wixii wanaagsanaa ee aad Wasaarada ka qabatay. waxa qorshaysana waanu ku dhaqaaqayaa in aan dhaqaajiyo,”.
Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in wax wayn Wasaarada ka badalay Wasiirkii hore.Waxaana uu yidhi”Wax wayn ayuu ka badalay Wasaarada horumarinta Beeraha, Cabdiqaadir Iimaan waa nin aad iyo aad u qiimo leh.waxaana aan u rajaynayaa guul marwalba.waxaana uu khibrad u leeyahay dhismooyinka wadooyinka Beeraha oo kaliya kamuu shaqaynan intii uu Wasiirka ahaa Siyaasada qaranka qayb weyn ayuu kaga jiray,”.
Sidoo kale Wasiir Wasiir ku xigeenka Wasaarada beeraha Maxamuud Jaamac Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqogalinta iyo arimaha Bulshada Yurub Abiib Cabdi Agaaasimaha Koomishanka Tamarta Maxamed Maxamuud Cabdi malaw oo hadal ka jeediyay ayaa waxa ay ku amaaneen wixii Wasiirkii hore Wasaarada Beeraha waxaana ay soo dhaweeyeen Wasiirka cusub ee Wasaarada Beeraha.