Wasaaradda oo Ceel-biyood ka Dhagax-Dhigtay Gar’adag

0
121

Ceerigaabo (Dawan) Degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag ayaa laga dhagax-dhigey Ceel-biyood Riiga, kaas oo hirgelintiisa ay iska kaashanayaan wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland iyo hay’adda Mercy USA.

Munaasibada dhagax-dhiga Ceel-biyoodkan waxa ka qayb galay, wasiir ku xigeenka wasaaradda biyaha, guddoomiyaha gobolka Sanaag, Saraakiil ka socday hay’adda Mercy USA, maamulka degmada Gar-adag iyo Waxgaradka, odayaashaa iyo dadka degmadaasi iyo marti Sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa sheegay in wax weyn uu ka tari doono haddii Ceel-biyoodkan la dhagax dhigey uu guulaysto biyo yaraantii ka jirtay degmada Gar-adag.

Waxaanu yidhi.“Ceelka aanu halkan ka dhagax dhigeyno, waxa iska kaashaday wasaaradda horumarinta biyaha iyo Hay’adda Mercy USA, in badan ayaad baahideeda qabteen, oo sugeyseen ceel in uu noqdo, ILLAAHEY waxaan ka baryayna in uu noqdo Ceel biyo macaan, oo aad ku qabowsataan, oo aad ka cabtaan dad iyo xoolaba.

Waxaan ILLAAHEY ka baryayna in nabadda iyo barwaaqada inoo barakeeyo, oo aynu kuwaaro, ceelkan 300 mitir ayaa la qodayaa, qosdistiisana waxa fulinaysa shirkada Durdur, waxa la idinka doonaya qodistiisa iyo abnigiisa, ilaalintiisa, iyo dadka ceelkan ka qayb qaadaya hawshiisa soo dhaweyntiisaba”

Masuul ka tirsan hay’adda Mercy USA ayaa sheegay in ay tahay markii u horraysay ee ay Ceel-biyood ka hirgeliso gudaha Somaliland, waxa uu xusay in markii hore ay baraagaha dayactiri jireen, balse mashruucani hadda ka balaadhan yahay, waxa uu intaas ku daray haddii ceelkani hirgelo in beebabkii biyaha gaynlaha magaalada ay ku xidhiidhin doonaan, waxaanu bulshada degmada Gar-adag ka codsaday Mashruucan inay soo dhaweeyaan isla markaana si fiican ugala shaqeeyaan.

Aqoonyahanka, waxgaradka iyo bulshaweynta degmada Gar-adag ayaa wasaaradda horumarinta biyaha iyo hay’adda Mercy USA, uga mahadceliyay qodista Ceel-biyoodkan, sidoo kale waxa ALLE ka baryeen in uu noqdo ceelkii biyo macaan laga helo ee ay kaga raystaan biyo yaraanta ka jirta degmada Gar-adag iyo degaanada hoos yimaada.

Gaba-gabadii guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa siweyn u soo dhaweeyay dhagax-dhiga Riig-biyoodka degmada Gar-adag waxaanu wasaaradda biyaha iyo hay’adda Mercy USA, uga mahadceliyay ku dhiirashada in Ceelkan laga qodo degmada Gar-adag.