Dawladda Ingiriiska oo Shaacisay in Jidka Berbera Corridor kor u Qaadi Doono Horumarka Somaliland iyo Itoobiya

0
104

Hargeysa(Dawan)- Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay in dhaqaalaha iyo horumarka waara ee Somaliland iyo Itoobiya ay kaalin weyn ka qaadan doonto waddada Berbera Corridoor ee isku xidha Dekedda Berbera iyo magaalada Wajaale ee xadka labada dal.taasi oo xilligan dhismaheedu gabogabo yahay.

 

Agaasimaha horumarinta u qaabilsan  Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, Damon  Bristow oo isaga iyo sarkaal kale oo ka tirsan Xafiiska UK ee Itoobiya, ay booqdeen dekedda Berbera iyo magaalo xudduudeedka Wajaale, ayaa shaaciyay in  maalgelinta jidkaas halbowlaha ahi uu kobcin doono dhaqaalaha fursadaha shaqo abuurka iyo horumarka waara ee Somaliland iyo Itoobiya.

 

Waxa kaloo uu sheegay inay dhawaan  baabuur ay wateen ku mareen jidka Berbera Corridoor oo dawladda Ingiriisku door ku lahayd maalgelintiisa. Waxaanu xusay inay soo indho indheeyeen fursadaha iyo caqabadaha ku gadaaman waddadaas.

 

Damon Bristow wuxuu intaas ku daray in ay booqdeen bogcada soohdinta Wajaale ee u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya, oo uu tilmaamay in jidkaasi kor u qaaday isku socodka labada dal.