Qaddiyadda Somaliland oo Dood Adag ka Dhex Dhalisay Xukuumadda iyo Aqalka Senate-ka Dalka Kenya

0
193

Xildhibaanno ka tirsan aqalka Senateka Kenya oo ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya in uu raali gelin ka bixiyo tallaabadii uu khaladka ku tilmaamay ee hadalkii Guddoomiyaha aqalka Senateka

Nairobi (Dawan)-Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dood ka dhex dhalisay Xukuumadda iyo aqalka Senateka ee dalka Kenya.

Xildhibaanno ka tirsan aqalka Senateka Kenya, ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya, Korir Sing’oe in uu raali gelin ka bixiyo tallaabadii uu khaladka ku tilmaamay ee hadalkii Guddoomiyaha aqalka Senateka Amason Kingi kaga hadlayay sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Kenya.

Guddoomiyaha aqalka Senateka Kenya ayaa Isniintii toddobaadkii hore la kulmay Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya, Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) waxaanu sheegay inay iska xog-waraysteen xoojinta cilaaqaadka Somaliland iyo Kenya, taasi oo keentay in Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya warbaahinta ka sheegay kulankaas kadib in aanay aqoonsanayn Somaliland.

Xildhibaan Ledama Ole Kina, oo ka tirsan aqalka Senateka oo khamiistii ka hadlay xarunta baarlamaanka ayaa ku dooday in hadalkii Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya uu xushmad darro ku ahaa Guddoomiyahooda.

Waxaanu xildhibaanku iftiimiyay in baarlamaanku yihiin cidda qaabaysa siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay ku shaqeynayso Xukuumadda Kenya.

“Guddida Arrimaha dibadda ee Senate-ku waa inay u yeedhaan Wasiirka Arrimaha dibadda, si uu u sharraxo sababta uu baraha bulshada uga cambaareeyay Guddoomiyaha aqalkaas,”ayuu yidhi Ledama Ole Kina.

Sidoo kale, hadalka xildhibaankaasi waxa taageeray Hoggaamiyaha xildhibaannada lagaga tiro badan yahay golaha (Senate Minority Leader) Xildhibaan Stewart Madzayo, oo su’aal ka keenay sababta ay u dhici karto in sarkaal ka tirsan Xukuumaddu uu u naqdiyay masuul leh xasaanada afraad ee dalka.

Warbaahinta Kenya ayaa toddobaadkii hore si weyn u faaqiday Somaliland iyo xudhiidhka ay la leedahay Kenya.