Xukuumadda oo Hab-raac u Samaysay Isticmaalka Daawooyinka Xoolaha

0
114

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Reer Miyiga JSL ayaa soo bandhigtay hab-raaca iyo hagge ay wasaaradu u samaysay isticmaalka daawooyinka xoolaha.

Waxaana kulankaasi furay wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Reer Miyiga JSL Siciid Sulub Maxamed, oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi C/rasaaq Maxamuud Maxamed.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee wasaaradda xanaannada xoolaha, waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha Dr. Cabdiqani Xaamud Cawaale.

Agaasimaha Waaxda Shaybaadhka Xoolaha Dr. Hibaaq Yuusuf, Madaxa Fidinta Adeega Caafimaadka Dr. Cisman Cabdillaahi iyo Dhakhaatiirta Aqoonta iyo waayo aragnimada durugsan u leh daawooyinka ee wasaaradda ka tirsan.

Nuqulada uu ka kooban yahay hab-raacan ku saabsan isticmaalka daawooyinka Xoolaha lagu muddo ama lagu daaweeyo waxaa soo diyaariyay guddi dhakhaatiir ah oo ka tirsan wasaaradda xanaanadda xoolaha.

Waxaana hab-raacani loo qaybin doonaa isla markaasina la gaadhsiin doonaa shirkadaha ganacsiga waaweyn ee daawooyinka Xoolaha dalka keena, kuwaasi oo wasaaraddu ku kor joogtayn doonto.

Geesta kale hagahan ama hab-raacan ayaa wax weyn ka tari doona Tayada caafimaadinta, daawaynta iyo nafaqaynta Xoolaha nool JSL.

Taasoo ah doorka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Reer Miyiga JSL u qaabilsan tahay qaranka, waxaana si hufan ugu hogaaminaya masuuliyiina sare ee wasaaradda.