Ciidanka Boolisku waa Tusaalaha Nabadda’’ Gudoomiye Tiimbaro

0
100

Hargaysa(Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa Ciidanka Booliska ku ammaanay hawlgalada ay markasta la fuliyaan maamulka Gobolka iyo sida ay heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ilaalinta bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Axmed Caalin Tiirbaro ayaa ka marag kacay sida wanaagsan ee ay Ciidanka Booliska Qaranku ula shaqeeyaan markay ay ku jiraan hawlaha shaqo ee maalin laha ah, waxaanu ku bogaadiyay in ay shaqo kasta la qabtaan maamulka gobolka, Ciidanka Boolisku.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay inay ka maamul ahaan la garab taagan yihiin wax kasta oo ay uga baahdaan, waxaanu ku Ciidanka ku baraarujiyay inay dedaalka halkaasi ka sii wadaan oo aanay ka daalin waxaanu yidhi

‘’Booliisku waxaa gacmaha xukuumadda, wax kasta iyo talaabo kasta oo aanu qaadayno noo fuli mayso hadaanay Ciidanka Boolisku naga taakulaynin, waxaanu aad ugu amaanaynaa hawlgalada ay had iyo goor heeganka noogu yihiin ee ay nala galaan, Ciidanka Booliska qaybta Galbeedka iyo Birmadkuba si wanaagsan bay noola soo shaqeeyeen, dadkuna waa dadkoodii way nala dajiyeen, waanu isa soo af-garanay wax walba dhulkay dhigeen, ciidanku waa ciidankeenii.

Waxa aanu ku amaanaynaa shaqada ay u hayaan Qaranka gaar ahaan gobolkan Maroodi Jeex, kaalinta ay kaga jiraan nabadgelyada aad bay ugu amaanan yihiin, gobolada oo dhana way ka hawlgalaan koone ilaa koone se laakiin waxaad moodaa in dadkeena qaar ay si u neceb yiin dirayska Booliska, waxaanan leeyahay ha lala shaqeeyo ciidanka.

Waxaan leeyahay Booliska ILLAAHAY baa miisaanka xasanaadka idiin saari

 

Hargeysa (Dawan) Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada JSL oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Guddida mudane Cabdirashiid Cabdillahi Muuse (Cagawayne) iyo xubnaha kale ee guddidu waxa ay kormeer shaqo ku tagin xarunta Baanka dhexe ee JSL, kormeerkaas oo daarna u kuur galka xaalada sariif barar ee dhawaan dalka ka jirtay iyo hirgalinta go`aamadii dawladu ka soo saartay sariif baraarka. kormeerkaas oo ku soo dhamaaday guul, iyada oo Guddida iyo Goluhuna ugu baaqeen shacabka Soomaaliland in ay isticmalan shillinka dalka si uu kor ugu kaco qiimaha shillinka Soomaaliland.