Wasaaradda Deegaanka oo D/hoose ee Hargaysa ku Tababartay Maaraynta Qashinka

0
77

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale,ayaa tababar u furay shaqaalaha dawlada hoose ee caasimadda Hargaysa.

Tababarkaasi oo ku saabsan Maaraynta qashinka magaaloyinka waxaa iska kaashaday wasaaradda Deegaanka Somaliland, iyo haayadda UNDP.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Maxamed C/laahi Ducaale, oo kulankaasi furay ayaa ku dhiiri geliyey ka soo qayb galeyaasha inay ka faa’iidaystaan tababarkani, isla markaana ay ku dabaqaan aqoonta ay barteen shaqooyinkooda bulshada na ay gaadhsiiyaan.

 

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa sheegay in muddooyinkan danbe ay wada shaqayn weyni ka dhaxaysay dawladaha hoose ee dalka.

Waxaanu yidhi “Muddooyinkii u danbeeyay waxay wasaaradda Deegaanku xil weyn iska saartay awood dhiska, iyo tababarka dawladaha hoose ee dalka, gaar ahaana caasimadda Hargaysa”.

Waxa kaloo uu xusay agaasime Maxamed C/laahi, in ay dawladaha hoose ee dalka ka caawiyaan sidii ay wax uga ogaan lahaayeen nidaamka maamulka qashinka magaalooyinka, iyo sidii loo gaadhi lahaa yoolka ah magaalooyin cagaarran.

“Waxaanay tababaradu la xidhiidhaan arrimaha maaraynta qashinka, iyo in ay wax ogaadaan nidaamka deegaanka maamulkiisu u shaqeeyo xidhiidhintiisa.

Waayo? Dawladaha hoose waa addeeg bixiyaha koowaad ee qaranka. Waxyaabaha kale ee aanu dawladaha hoose ka caawino waxaa ka mid ah sidii loo gaadhi lahaa yoolka ah magaalooyin cagaarran, oo nadiif ah” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Geesta kale waxaa furitaanka tababarkaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday haayadda UNDP, iyo agaasime waaxeedyadda wasaaradda Deegaanka.