Somaliland, EU, Itoobiya iyo Jabuuti oo Shir ka Yeeshay Danbiyada ka Dhaca Badaha

0
95

Adis Ababa (Dawan) Masuuliyiinta Wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dalka Itoobiya kaga Qayb galay Kulan lagaga hadlayay Danbiyada Badaha ka dhaca.

Weftiga  Somaliland oo uu hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda JSL Mudane Mahdi Cismaan Buuri ayaa ka qaybgalay shir lagaga hadlayey dambiyada badaha ka dhaca.

Shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen EU-da iyo UNODC, waxa uu ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, waxaana lagaga hadlaayey sida loo maxkamadeeyo ama loo baadho dambiyada ka dhaca badaha sida Kalluumaysiga sharci darrada ah, dikhawga badaha, ka-ganacsiga iyo tahriibinta dadka, hubka sharci darrada ah iyo mukhadaraadka.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen wufuud ka kala socotayd dalal ay ka mid yihiin Djibouti, Itoobiya, Yemen iyo Somaliland, ayaa wasiir-ku-xigeenku furay, waxaannu tobabar muddo toddobaad ah socday u furay xeer-ilaaliyayaasha iyo ilaalada xeebaha dalalkaas.

Kullanka ayaa lagu gorfayn doonaa inta uu socdo, sidii looga hortagi lahaa, dambiyada ka dhaca badaha iyo sidii loo xakamayn lahaa falalka ka soo hor jeeda animga mandaqada iyo xeebaha, kuwaasi oo khatar galin kara isu socodka iyo ganacsiga gobolka.