Wasaaradda arrimaha gudaha Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in si tartiib tartiib ah loo joojin doono imaamyada looga soo diri jiray dalka Turkiga ee ka howlgalayay masaajidda dalkaas.
Bayaan uu soo saaray ururka arrimaha diinta Islaamka ee Turkiga ayaa lagu yidhi, “Waan ka warqabnaa baahida loo qabo isbeddelkan”.
Qoraalka ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Jarmalka ayaa lagu sheegay in heshiiska imaamyada lagu tababarayo ay la galeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo ururka arrimaha diinta Islaamka ee Turkiga kadib wada xaajood dheer .
Heshiisku wuxuu dhigayaa in 100 imaam loo tababaro dalka Jarmalka sanad walba, imaamyadan oo lagu soo tababaray barnaamijka tababarka wadajirka ah ayaa loogu talagalay inay beddelaan imaamyadii laga soo diray Turkiga.
Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in la sameyn doono iskaashi ka dhaxeeya Kuliyadda Islaamiga ah ee Jarmalka oo la aas aasay 2019-kii iyo Jaamacadda Osnabrück ee Turkiga .
Iimaamyada ayaa marka ay tababarka dhammeystaan waxaa si tartiib tartiib ah ah ay u baddali doonaan kuwa dalka Turkiga.
Ururka DİTİB, oo xaruntiisu tahay magaalada Cologne, ee dalka Jarmalka, waa mid ka mid ah ururrada Muslimiinta ee ugu waaweyn Jarmalka oo maamula ku dhowaad 900 oo masaajid, oo ay ka howgalaan in ka badan 1000 imaam oo ka shaqeeya masaajiddan.
Sida laga soo xigtay xogta Jarmalka, 5.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa ku nool Jarmalka, waana 6.6 boqolkiiba tirada guud ee dadweynaha Jarmalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka:”Waxaan u baahannahay mas’uuliyiin diimeed oo difaacaya qiyamkayaga”
Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka Nancy Feaser ayaa sheegtay in tababarrada imaamyada dalka Jarmalka ee baddalay kuwii laga keeni jiray Turkiga ay tahy “mid muhiim u ah is dhex galka” jaaliyadaha Muslimiinta ee Jarmalka.
Wasiir Feaser ayaa tidhi “Waxaan u baahannahay mas’uuliyiin diimeed oo afkeenna ku hadla, dalkeennana yaqaan oo difaaca qiyamkeenna”.
Feaser waxaa kaloo ay sheegtay inay rabaan imaamyadu inay “wax ku biiriyaan wadahadalka diimaha oo ay ka qayb ka qaataan doodaha ku saabsan arrimaha la xidhiidha caqiiddada bulshada.”
Ururka Muslimiinta DİTİB,oo sheegay in isbeddelkaan uu yahay mid muhiim ah
Arrinta imaamyada Jarmalka looga soo diray Turkiga ayaa mararka qaar xiisad ka dhex dhalisay Berlin iyo Ankara, taasoo ay ugu wacan tahay dacaayad siyaasadeed iyo eedeymo basaasnimo oo labada dal ay isdhaafsadaan.
War qoraal ah oo kasoo baxay Ururka Muslimiinta ee DİTİB ayaa lagu sheegay in muhiim ay tahay in la tixgeliyo rabitaanka dhinac walba.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in DİTİB “ay ka warqabto baahida loo qabo isbeddelka, kaas oo diiradda lagu saarayay doodaha adag ee bulshda ee siyaasadda xirfadaha luqadda iyo isdhexgalka bulshada ee imaamyada tobankii sano ee la soo dhaafay.”
Ururka waxaa kale oo uu adkeeyay in ay lagam maarmaan tahay in dhaqaalo joogto ah oo sanad walba ah loo baahan yahay oo lagu tababarayo 100-ka imaama ee masaajidda ka howgali doona.
Waxaa kale oo uu ururku soo jeediyay in imaamayada lagu xiro sharuudo ay ka mid yihiin in uu haysto shahaadada koowaad ee Jamaamacadda oo ku saabsan arrimaha Islaamka sida Fiqiga oo kale.
Macluumaad badan oo ku saabsan sida iskaashiga loo fulin doono ayay labada dhinac ku dhawaaqi doonaan billowga sanadka soo socda sida ururku uu shaaciyay.
Qorshahaan waxaa horey iskula meel dhigay Erdoğan iyo hoggaamiyaha Jarmalka
Tababarka loo sameeynayo imaamyada Jarmalka ayaa waxaa horey ugu heshiiyay madaxweynaha dalka Turkiga iyo hoggaamiyaha Jarmalka kadib booqashadii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku tagay Berlin bishii November.
Warsaxafadeed uu Jarmalku soo saaray ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ay ku heshiiyeen in la dardargeliyo tababarrada imaamyada ee Jarmalka, isla markaana si tartiib tartiib ah loo joojiyo dhaqanka imaamyada looga soo diro dalka Turkiga.
Khudbad ay ka jeedisay baarlamaanka Bundestag 2018, ra’iisul wasaarihii hore ee Jarmalka, Angela Merkel, ayaa waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo tababar imaamnimo ee Jarmalka, waxayna tidhi “Tani waxay naga dhigaysaa dal madax-bannaan, waxayna lagama maarmaan u tahay mustaqbalka.”