Haweeney Israa’iiliyad ah oo Caawisa Dhaawacyada Falastiiniyiin

0
108

Yael Noy oo ah haweenay u dhalatay Israa’iil ma ahan askariyada xiran dareeska ciidamada, balse waxay sheegtay in dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ay ku jirto tan iyo wixii ka dambeyay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar. “Waxaan u dagaallamayaa inaan noqdo bini’aadam caadi ah,” ayay u sheegtay BBC-da , “Waxaan u dagaallamayaa inaan ilaaliyo qiyamka iyo akhlaaqda xilli labada dhinacba ay ku jiraan xaalad xanuun badan, dadka oo dhan waxay ii yihiin kuwo siman sidii horey aan u ahaa ayay hadalkeeda sii raacisay.

Yael waxaa ay madax ka tahay hay’ad samafal ah oo lagu magacaabo Road to Recovery, oo ah koox mutadawiciin ah oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo bukaannada Falastiiniyiinta ah ee carruur u badan – ka soo qaada baraha kontoroollada Israa’iil ee Daanta Galbeed ee la haysto iyo Marinka Qasa si loogu daaweeyo isbitaallada Israa’iil.

Kooxda mutadawiciinta ah ee Yael Noy oo gaaraya ilaa 1,000 ayaan waqtigaan awoodin in ay bukaannada kasoo qaadaan Marinka Qasa waqtigan xaadirka ah.

Afar ka mid ah kooxdeeda ayaa la dilay kadib markii dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay weerareen Kibbutzim oo ah koonfurta Israa’iil halkaas oo ay ku noolaayeen. Kuwa la dilay ayaa kala ahaa Vivian Silver, oo caan ku ahaa in uu nabadda u ololeeyo iyo Adi Dagan, oo Yael ay ku tilmaamtay inuu ahaa “mid bashaash ah “qof had iyo jeer diyaar u ah inuu soo dhexgalo bukaanka ku qaado gaarigiisa, ayeeyadii uu jeclaa Tammy Schussman, iyo Eli Or Gad oo dhammaan xubno ka ahaa kooxda.

Afar kale oo ka mid ah xubnaha ururka ayaa weerarkii 7-dii Oktoobar ku waayay eheladooda.

Ilaa 1,200 oo qof ayaa lagu dilay weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil, tan iyo wixii markaas ka dambeeyay dagaalka Israa’iil ee dhulka iyo duqeeymaha dhanka cirka ah waxaa ay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Marinka Qasa ay sheegtay in ka badan 17,000 oo qof lagu dilay.

Yael waxay ku nooshahay waqooyiga Israa’iil, halka waalidkeed ay ku noolaayeen Kibbutz Alumim, oo ah koonfurta Israa’iil ee la weeraray, waxayna u ahyed maalintii weerarka waqti adag sida ay tilmaantay.

Labo wiil oo ay ilmo adeer yihiin ayaa hadda ka dagaallamaya Qasa iyaga oo ka tirsan ciidamada Israa’iil.

Waxaa ay sheegtay in ay la kulantay naxdin xoog leh wixii ka dambeeyay dhacdooyinkii Oktoobar oo ay awoodi wayday in ay neefsato.

“Qalbiga ayaa iga jabay, waxaanan naftayda ku iri mar dambe lama hadli doono qof reer Qasa ah,” ayay tidhi.

Laakiin dhowr maalmood ka dib, waxay go’aansatay “inay u oggolaan in gabood-fallada ay beddelaan qofka aan ahay.” Ayay hadakeeda sii raacisay.

Iyada iyo inta badan kooxda Mutadawiciinta ( Jidka Soo-kabashada ama Road to Recovery) waxaa ay sii wadeen inay Falastiiniyiinta ka soo qaadaan Daanta Galbeed geeyaan isbitaallada Israa’iil si loogu daweeyo xanuunada kansarka, xubnaha taranka iyo sifeynta kilyaha

Waxaa ay sheegtay inay aadi doonto oo ay bukaannada ka soo ururin doonto Qasa mar kale sida ugu dhakhsaha badan.

Yael waxaa ay diidday in uu dadka ku nool marinka Qasa aan loo arkin bini’aadam oo lala simo kooxda Xamaas oo Ingiirkisa iyo dalal kale oo badan ay aqoonsan yihiin in ay yihiin kooxo “argagixiso ah”

“Waxaan rabnaa in aan si wadno caawinta dadka reer Qasa waayo waxaa ay dhibbanayaal u yihiin sida annagoo kale qalad iyaga aanay lahayn” ayay tir.

Yael Noy waxaa ay ka welwelsan tahay qoysaska ay ku taqaanay Qasa, ayada oo sidoo kale walaac xoogan ka qabta labo ka mid ah kooxdeed oo kala ah Oded Lifshitz iyo Haim Peri, oo wali ku jira gacanta ururka Xamaas.

Waxaa ay sheegtay in ay dareemayso niyad jab iyada oo qaar ka mid ah adeeradeed iyo ilma adeerkeed ay si adag uga soo horjeedaan waxa ay samaynayso oo ay ku eedeeyeen in ay caawiso Xamaas.

“Marka aan kaxeeyo baabuurkeyga anigoo galbinayay Falastiiniyiinta baraha koontoroolada ku yaal Daanta Galbeed, askartu waxay i weydiiyaan sida aan u sameyn karo waxa aan sameeyo”.

“Dadku waxay ii fiiriyaan sidii inaan cadaw ahay, laakiin ma ahan oo keliya inaan u sameynayo danta Falastiiniyiinta oo kaliya waxaan rabaa inaan ku faano inaan ahay Israa’iil sidaas dadka u caawisa haddaad tahay Israa’iil Falastiini aadanuhu waa isku mid” ayay tidhi ayada oo wareysi siinaya BBC-da .

Qaar ka mid ah Qoysaska Falastiiniyiinta ah ayaa la soo xidhiidh si ay u ogaadaan xaaladeed waxaana ay u sheegaan in la xalin doono khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

“Runtii ma garanayo waxa dhici doona mustaqbalka Laakiin waan ogahay inaan weli halkan ku noolaan doono, marka waa inaan xal u helnaa.”

Tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar qaar ka mid ah mutadawiciinta kooxda ayaa joojiyay in bukaannada Falastiiniyiinta loo qaado isbitaallada Israa’iil taas badkeeda waxay go’aansadeen in ay diiradda saaraan sidii ay dawooyin u gaarsiin lahaayeen Israa’iiliyiinta barokacay intii uu socday dagaalku.