Suldaan Xasan oo Baaq Nabadeed u Diray beelaha Ku Diriray Degaanka Dararweyne ee Degmada Ceel Afweyn

0
135

Hargeysa (Dawan) Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee  dirirtu ku dhexmartay degaanka Darar-weyne ee degmada Ceel Afweyn.

Suldaanku beelahaasi waxa uu ugu baaqay inay nabada qaataan oo xabada joojiyaan, isla markaana ka waantoobaan dhiiga Muslinka ee ay macnodarada u daadinayaan, dadkana naxdinta ka daayaan.

Geesta kale Suldaan Xasan waxa uu madax dhaqameedka gobollada Togdheer iyo Sanaag ka codsaday inay si deg dega u baxaan, isla markaana kala dhexgalaan beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degaanka Dararweyne ee degmada Ceel Afweyn.

Waxaanu yidhi.“Dhiiga Islaamka ee ku dadaanaya degmada Ceel Afweyn aad iyo aad ayaan uga xumahay, bulshada Muslimiinta ah oo dhamina way ka xun tahay, waana arrin dhag xumo ah, daadinta dhiiga qofka Muslimka ahi ma bannaana, waana waxyaabihi ILLAAHEY xaaraantinimeeyay.

Xaalada Ceel Afweyn tirobada sagaal jeer ayaa lagalay, ergo fara badan ayaa arrintiina gashay, Sheekh iyo Shariif looma kala hadhin, waa la idinku daalay, aad iyo aad ayaanu uga xunahay idinka oo dad walaalo ah in aad naga nixisaan maalin walba, oo aydaan ka xishoon, tolweynihiini guud iyo bulshada reer Somaliland midna, xaalada Ceel Afweyn lafjab ayay inagu tahay, dhag xumo ayay inagu tahay, maanta arrin aynu u fadhinay inay mar danbe soo noqoto may hayn, haddii aanu nahay madax dhaqameedka iyo waxgaradka Somaliland waanu soo baxaynaa, waanu idiin imanayna, waanu soo gurmanaynaa.

Madax dhaqmeedka gobollada Togdheer iyo Sanaag, waxaan ka codsanaya inay hawsha degaanka Ceel Afweyn sii galaan, oo xabada joojiyaan, waanu idinku soo gaadhayna in aad nagu sintaan ayaan la qaba Salaadiintii shalay hadashay,”