Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Amniga Badda-cas iyo Isu-socodka Gaadiidka isaga Gooshaya

0
234

“Ciidanka Illaalada xeebaha JSL waxay gacanta ku dhigeen laashash iyo rag la soo abaabulay” Wasiir Kaahin waraysi gaar ah

“Cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya waxay halis ku tahay Amniga mandaqada iyo caalamkaba”

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay xaaladda amni ee Badda Cas, iyo halista ka imankarta.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay amni darrada dalalka Geeska Afrika ay ku keeni karto cunaqabataynta hubka ee golaha ammaanku ka qaaday Soomaaliya, waxaanu faahfaahin ka bixiyay hawlgallada ciidanka illaalada Xeebaha Somaliland ka hayaan badda iyo falalka amnidarro ee ay ka hortageen.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay dalalka Caalamka iyo kuwa deriska sida ay uga wada shaqaynayaan amniga badda Cas.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sidaas ku sheegay Wareysi gaara oo uu siiyay Wargeysyadda Dawan.

S:Wasiir waxa jira xaalado ka soo kordhay Badda-cas iyo Gacanka Baabul-mandab, sideed ugu talo gasheen in aad uga hawlgasheen xaalada ka soo kordhay Badda cas iyo Gacanka Baabul-mandal?

J:Sidaad la socotaan waxa jira xaalado ka soo kordhay Badda-cas, waana Badda-cas iyo Gacan Cadmeed, Badda-cas oo ku dhamaata Baabul-mandal, ilaa 1990-kii waxa jirtay xiisad fara badan oo kuwaas oo ay ka dhaceen Ilaa Hindiya Ooshinka ku xidhan, oo ay ka dhaceen Budhcad Baddeedyo fara badan, oo adduunyada oo dhami ka qaylisay oo boqolaal ah, innagu inta Badda aynu masuuliyadeeda leenahay oo marka Badda Bari iyo Galbeed laga dhigo Gacanka Cadmeed, xadkeena iyo xadka Jabuuti, ee Lowya-cado ilaa meesha la yidhaahdo Qow, 850 Km ayaynu leenahay Xuduudeeda Badda Xeebta, Badda intaas le’eg innaga wax ka dhacay majiro.

Badda innaga iyo Khaliijka inoo dhaxaysana waa Gacanka iyo Badda 80% ay maraan gaadiidka ganacsiga Badda ee Maraakiibta, Yurub, Afrikada Koonfureed, Afrikada Bari, Aasiya, ay isaga gooshaan marinkaasi ayay maraan, innaga inta Baddeena ah masuuliyada waynu ka soo baxnay, wax dhib ahina kama dhicin.

Madaama buuq iyo qaylo ay ka jiraan, dowladdaha Koonfurta iyo Waqooyiga, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, degaanka kawada ah, ee Khaliijka Carabta, iyo dalalka Afrika badda cas marka laga soo bilaabo, waxay mudadan wadeen in ay sameeyaan Gole loo yaqaano inuu ka hawlgalo ama uu ka hadlo, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Golahaasi innagu kama mid nihin, mana nihin dowlad la aqoonsan yahay, badda dhererkaasi leh waxaynu leenahay xeebteeda, sidaasi darteed iyada wakhtiyo fara badan ayaanu la  xidhiidhnay oo aanu leenahay Somaliland Baabul-mandal marka laga soo bilaabo ilaa 850-Km waxaanu nahay dowladda masuuliyada Gacanka Cadmeed leh, gaadiidka adduunka isaga gooshaana ay maraan, sidaasi darteed waxa aanu leenahay la’aantayo masuuliyada cidkale maqaadan karto, arrinta dowlada Somalilandna way ka shaqaynaysa, intii hawluhu badda ka dhaceen waanu ka hadalay.

Mustaqbalka dhaw anagu waxa aanu ku dadaalaynaa inay Somaliland qayb ka noqoto golahaasi, masuuliyada hawshaasi ay leedahay haddii ay noqoto ciidankeena ilaalada Xeebaha iyo kuwa Booliska iyo ciidanka Qaranka oo meelaha qaar ka kaalmeeya, qayb ayaynu ka qaadanaynaa, siweyn ayaynu ugu dadaalaynaa, masuuliyad Xeebeedkeena iyo Badeedkeena inaynu qayb ka qaadano arrimahan isbeddelka xidhiidho dowladdaha qaar inoo socdaana way jiraan.

S:Mudane wasiir baaqyo kala duwan ayay Somaliland ugudbisay dalal badan oo ka hadlayay arrimaha Badda cas, oo danaynaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeedba ilaa imika wax jawaaba miyaad ka hesheen?

J:Dowladda Jabuuti oo aynu jaar nahay waynu iska kaashanaa, ciidankeena iyo ciidan badeedkeeda Xeebaha tababarna way wada qaataan, waanan iska kaashana,   qaarkoodna war waanu kala hela, waxaanu baaqayagani daba socday kuwa loo jeediyay dowladdaha Khaliijka, oo iyaguna ka hadlay arrintan, sida Ictiraafkeena aynu gacanta ugu hayno ayaynu kana gacanta ugu haynaynaa,”

S:Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL, wuxu hoos yimaada wasaaradda arrimaha gudaha waxaanu ku hawlan yahay ilaalinta iyo difaaca Xeebaha iyo Badda Somaliland, maxay yihiin duruufaha ku gadaaman iyo khataraha la odhan karo way iman karaan Badda Somaliland?

J:Badda Somaliland waxa ay ku began tahay Gacanka Cadmeed, inta masuuliyadeena Xeebta Badda inta aynu leenahay waxa halkaasi mara waa gaadiidka ugu badan kuwaas oo isaga goosha Yurub iyo Aasiyada fog ilaa Afrika, dowladda xagga Koonfurta ka xiga ee aynu innagu ka mid nahay iyo kuwa xagga Waqooyiga ka xiga ee Yementu ay ka mid tahay, meelo fara badan ayay dagaalo ksa socdaan sida Khaliijka, Cadan, Yemen, meelo badan oo Soomaaliya ka mid tahay ayay Xeebaheedu cidla yihiin kuwii Budhcad-badeedku ay ka hawlgalayeen ee ay daganaayeen ay tahay, duruufta ku gadaaman innaga iyo dowladdaha kale horta taasi ayaa ka mida, ciidankeena ilaalada Xeebaha aad iyo aad waxa uu ugu dadaala in uu ilaaliyo xeebaheena inta masuuliyadeenu ay tahay, hub fara badana wuu qabtay, laashash loogu soo talo galay in Xeebaha Somaliland lagaga hawlgalo oo qaarkood raggi loo soo dhiibayna lagu dabajiro oo laba ahna way qabteen, kuwa loo soodhibay waa argagixiso iyo budhcad-badeed, waala qabtay oo hada waala haya, doonyo fara badan xilliyo fara badana way qabteen, waxay ilaaliyaan Kalluumeysiga sharcidaradda ah, dadka la tahriibinayo ee sharciddarada ah badeena hadda waa laga dhameystiray oo ma maraan, waxaaney maraan xagga Puntland, aad iyo aad ayay u dadaalaan, waxay isticmaalaan awoodooda mid ka badan, dowladdaha Midowga Yurubna waynu la kaashanaa, Berbera ayaanu ka dhisayna talis weyn oo Radaalada casriga ahi ay yaalaan, kuwaas oo xeebta oo dhan laga ilaaliyo, oo heshiiskeedii hadda la wado hawl ku filan ayay qabtaan, waxaynu u baanahay in aynu sii kordhino haddii ay qalabka tahay iyo haddii ay tababarada tahayba.

S:Majira xidhiidh ka dhaxeeya argagixisada weerarka ku soo qaaday Laascaanood iyo qalaalaasaha amnidarada ah ee ka jira badda cas?

J:Hadda qoladaasi way ku jiraan uun ee meesha ay taakuleynta ka helaan waa badda cas, sababta ay u deggan yihiin Buuraha Galgala ee Boosaaso u dhaw na waa sidaas, balse iyagu waxa ay ku eg yihiin aagaasi, ku talagalna wuu jira ay doonayaan inay hawlagalo ka sameeyaan.

S:Dowladda Soomaaliya waxa ay heshiisyo la gashay dalal badan oo Ajaanib ah iyada oo sheeganaysa badaha Somaliland arrinta beesha Caalamka ma kala hadasheen?

J:Soomaaliya muddo door ah ayay Somaliland nafteeda sheeganaysay, marka hadda waalaga soo gudbay xilligii ay dowladda Soomaaliya sheeganaysay ama xuduudaha guud ahaan ee Somaliland, ama Badda cas labadaba, ama ay mararka qaar doonaysay inay dalalka caalamka ka dhaadhiciso Xoolaha dhoofaya in ruqsadeeda laga bixiyo Muqdisho, arrintaas waa laga soo gudbay, haday imika sameeyaan waxba kama faa’idayaan, dowladda Somalilandna way kala hadashaa cid walba, inay iyadu tahay dowladda ka jirta Somaliland, xuduudaheedu meelaha ay yihiin iyo halkay maraana way tilmaamaan, arrintaasi wadamada Yurub, Mareykan, Khaliijka, Aasiya  iyo Afrika inaynu wakiilo ku leenahay, Somalilandna waxay ula macaamilaan sidii dowladda Somaliland ta maanta jirta ka taliso.

S:Wasiir dhawaan Qaramada Midoobay waxa ay cunaqabatayntii hubka ka qaadeen Soomaaliya saameyn amnidarro oo inte le’eg ay u uku keeni kara cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya Somaliland iyo dalalka Geeska Afrika?

J:Hubka Soomaaliya waxa loo joojiyay oo cunaqabataynta loo saaray nidaamka dowlad la’aanta ah ee ka jira iyo xoogaga noocayada kala duwana ee fara badan ee hubaysan, ee Al-shabaab iyo kuwa la midka ahi ka jiraan, ayaa loo joojiyay in aanay u fasaxnaanin in hub adduunyada ka helaan, sannadkii 2022-kii xoogagii ugu badna ee argagixiso ah ayaa Soomaaliya ka galay dhinaca Bakool, aaga Xudun iyo Baydhabo xadka Itoobiya, muddo fara badana dagaal khasaare fara badan dhaliyay ayaa ka socday, Somaliland golaha ammaanka way u sheegtay, dowladdaha Fiitoga lehna way gaadhsiisay wasiirka arrimaha dibedda ayaa qoraalka gudbiyay, golaha wasiiraduna go’aankaasi ayuu ka qaatay, balse waxa markhaati madoona in arrintaasi khatar amni ku keenayso Mandaqada Geeska Afrika ee aynu ku noolahay, dowladdaha ay jaarka Soomaaliya yihiin, iyo kuwa aynu jaarka la nahay intab.

Wasiir Dagaalka Yemen ka socda ma saameeyay amniga badda Somaliland?

J:Amniga badda aynu jaarka nahay wuu saameeya, hubka ugu badan ee suuqa madaw ah iyo mid ururada u socdaba si qayral xada ayuu badda uga socda, sameyn weyn oo nabadgelyo ayuu ku leeyahay Somaliland iyo dowladdaha kale ee badda wada wadaagaanba.

S:Wasiir Mandaqada Somaliland waa dalka ugu xasiloon, taasi waxa ay sababtay inay Qaxoonti kala duwani yimaadaann dadkaasi majiraan hay’addo wax siiyay oo ilaa imika aynu ognahay oo gacan ka gaystay, dowladda JSL iyo bulshada ma culays ayay ku tahay, qorshase ma idiinku jirta in dadkaasi Kaamam loo sameeyo ama dib loogu celiyo dalalkoodi.

J:Mandaqada Somaliland waxa lagu tiriya dowladda ugu amniga roon inay tahay, dadyowga dalka jooga ee Qaxoontiga ahi amniga ayay soo raaceen, hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa innoo qaabilsan”