Ciidammada Ammaanka oo Soo Bandhigay Khasaarihii Shaqaaqadii ka Dhacday Buurta Naaso-hablood oo 4 Qof ku Dhinteen iyo Tirada Dadka loo Qabtay

0
246

“Ciddii ka doonaysa muraad kale shaqaaqadaas waxaanu leenahay waxba kuma jiraane yaanay ku lug go’in”

Hargeysa(Dawan)- Ciidammada Qaranka iyo Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tafaasiil ka bixiyay shaqaaqo kala duwan oo Salaasadii toddobaadkan ka dhacday Buurta Naaso-hablood ee waqooyi bari ee Caasimada Hargeysa, kuwaasi oo ay ku dhinteen afar qof isla markaana laba kalena ku dhaawacmeen.

 

Taliye ku-xigeenka koowaad ee Ciidanka Booliska, Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire iyo Abaanduulaha koowaad ee Ciidanka Qaranka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Af-guduud, ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen shalay xarunta Taliska Booliska, waxay ku baaqeen in aanay wax siyaasad iyo reernimo ahi ku dhex jirin shaqaaqadii ka dhacday Buurta Naaso-hablood, waxana ay caddeeyeen in ehelada qoysaskii dadkoodu dhinteen ay xuquuqdooda kala hadli doonaan Talisyada guud ee ciidammada Qaranka iyo Booliska.

 

Taliye Ku-xigeenka Booliska Cabdi Xasan, ayaa faahfaahin ka bixiyay shaqaaqadaas oo laba jeer oo kala duwan  Salaasadii ka dhacday Buurta Naaso-hablood. “Waxaanu ummadda reer Somaliland u soo gudbinaynaa warbixin kooban oo xaqiiqda ku sallaysan oo ahayd dhacdadii ka dhacday Buuraha Naasahablood oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, Subaxnimadii hore ee Salaasadii niman shicib ah ilaa imika inta aanu ognahay ayaa soo weeraray niman deganaa Buurtaa Naaso-hablood oo markii dambe aanu ogaanay inay ka tirsan yihiin Ciidanka Qaranka. Nimankaasi ciidankii Qaranka ee halkaas deganaa nin bay ka dileen, halka ay nin kalena dhaawaceen.kadibna labada ciidanba [Booliska iyo Millatariguba] way ku gurmadeen goobtii,”ayuu yidhi Taliye ku-xigeenka koowaad ee Ciidanka Boolisku.

Taliye ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray, “Goobtii markii la iskugu tagay ee la qiimeeyay wejigii horena waxa la isla gartay in ciidankii Qaranku ku noqdo xeradiisii, sugidii nabadgelyada ee goobtana loo daayo ciidanka Booliska. Sidaas ayay ciidanka Boolisku kaga hawlgaleen nimankii weerarka soo qaaday, iyadoo nimankii baabuur ay wateen iyo laba nin laga qabtay oo goobtii shaqaaqadu ka dhacday aanu joogno oo aan taagan nahay ayaa niman baabuur shicib ah wata oo Tuutihii ciidankana gashan oo ay badhasaabka gobolka Maroodi-jeexna nala joogo ayay ciidankii Bileyska soo weerareen. Halkaasna waxay markiiba ku dileen nin askari ah oo ciidanka birmadka ka tirsanaa, laba kalena way ku dhaawaceen.kadibna khasab ayay ku noqotay ciidankii bileyskuna inay is difaacaan muddo ayay xabadii socotay, natiijadiina waxay noqotay in ciidankii weerarka ahaa laga dilo laba, lix iyo mid dhaawac ahna nolol lagu qabto nimankana waxa markii baadhista la galay waa ciidanka qaranka.”

 

“Arrintaa shaqaaqadaas siyaabo kala duwan ayaa loo turjumay, nin waliba kaadhka uu doonayo ayuu xoqday ama reer ha noqoto ama siyaasad ha noqotee, arrintaasina wax u taalla siyaasiyiin iyo shicib midna maahee waa wax u yaalla labada ciidan ee Booliska iyo Millatariga. Marka wakhtigooda la gaadhana dadkaas dhintay iyo kuwa dhaawacmayba eheladoodii waxay la soo xidhiidhi doonaan talisyada ciidammada Qaranka, Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Arrintaasna ciddii ka doonaysa muraad kale waxba kuma jiraane’ yaanay ku lug go’in,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire.

Sidoo kalena, waxa halkaasi ka hadlay Abaandulaha koowaad ee ciidanka Qaranka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Af-guduud, waxaanu yidhi “Dhacdadaas waxaanu uga hadlaynaa si xaqiiqo ah subaxnimadii Salaasadii niman ka tirsan ciidanka Qaranka oo sheeganaya dhuul buurta Naaso-hablood ku yaalla waxa soo weeraray niman shicib ah, waxana ay ka dileen nin, halka mid kalena ka dhaawaceen. Intaas kadib nimankii way baxsadeen. Ciidanka Boolisku isagoo xoogan ayuu buurtii tagay goobihiinna xoog buu ku galay, wixii dhacdadaas geystayna wuu dabogalay waxaanay ka soo qabteen dad iyo gaadiidba, intii kalena waa lagu dabo jiraa.”

 

“Intaasi markii ay dhacday labadayada ciidan waanu wada hadalnay waxaanan ciidanka qaranku u direen 60 askari iyo saddex hoggaan. Markii ay goobtii tageen ee ay arkeen in xaaladdii gacanta lagu qabtay, waxana la go’aansaday in ammaanka goobta ay sugaan ciidanka Boolisku. Ciidankii qaranka ee amniga inay sugaan u tagay waxa lagu soo celiyay xeryahoodii. Iyadoo halkaa ay marayso waxa ciidankii Booliska soo weeraray niman ka tirsan millatariga oo dhul buurahaas ka mid ah sheegta, waxa halkaas ka dhashay khasaare geystay dhimashada saddex askari oo mid ka tirsanaa Booliska, labana ay yihiin Ciidanka Qaranka,”ayuu yidhi Abaanduulaha Ciidanka Qaranku.