Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ugu Baaqay Shirkadaha Ganacsiga inay Caddaalad ku Saleeyaan Nidaamka ay ku Qaataan Shaqaalaha

0
157

“Dalku wuxuu ku dhismayaa marka Dadkiisu wax bartaan  ee ay karti yeeshaan”

Hargeysa(Dawan)- Madaxweyne Ku- xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in dalku uu horumar gaadhayo marka dadkiisu ay waxbartaan isla markaana ay yeeshaan karti.

Madaxweyne Kuxigeenku wuxuu sidaas ka bayaamiyay Shirweynaha Qaran ee loo Shaqeeyaha iyo shaqaalaha oo ka furmay Hargeysa, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda shaqada, Qoyska iyo Arrimaha bulshada oo ay ka soo qaybgaleen shirkado badan iyo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee ay u shaqeeyaan dadka ugu badani.

Madaxweyne Kuxigeenku wuxuu  sheegay in Xukuumaddu ay sannadihii ugu dambayay ay xoojiyeen, korna u qaadeen xirfada iyo aqoonta Shaqaalaha dawladda.

 

“Qaranku wuxuu ku dhismayaa marka dadkiisu waxbartaan ee ay karti yeeshaan. Waxa jira maanta dalal inala mid ah oo dadkooda wax baray isla markaana adduunyada u dira oo  ay ka soo shaqeystaan cudduda shaqaaluhuna waa mid muhiim ah oo la isku dhaafay,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku, wuxuuna ku ammaanay Wasaaradda Shaqada shirweynahaas oo uu u rajeeyay inay ka soo baxaan go’aamo waxtar u yeesha dalka.

 

Waxa kaloo uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha oo loo baro waajibaadkooda.

 

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu u soo jeediyay shirkadaha in qaab caddaalad iyo xirfad leh loo shaqaalaysiiyo shaqaalaha. “Waxaan soo jeedinayaa in  Hay’adaha dawladda iyo Shirkaduhuba ay qaab caddaalad iyo xirfad ku sallaysan ay u qaataan shaqaalaha u shaqeynaya. Waa in aanay shirkaduhu shaqaaleyn dadka ay garanayaan uun, xukuumadduna ciddii masuuliyiintu garanayso uun aan shaqada la siin ee lagu salleeyo caddaalad,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

 

Madaxweyne kuxigeenku waxa uu xusay in marka la tayeeyo waxbarashadeenna la helayo hawlwadeenno aqoon iyo xirfad leh, waxaanu yidhi “Waa inaynu tayaynaa waxbarashadeenna oo noqotay baayac mushtar, waxaad arkaysaa in aan jaamacadaha qofna la reebayn oo kumanaan ay soo saarayaan. Waxaanad arkaysaa in qof jaamacad ka baxay oo aan luuqadii uu dadka kula xidhiidhi lahaa si fiican u fahmayn, way dhibaysaa haddii uu Injineer yahay iyo haddii uu dhakhtar yahayba.”

 

Geesta kale, waxa furitaankii shirweynahaa ka hadlay Wasiirro, Wasiir Kuxigeenno iyo masuuliyiin ka tirsan Shirkadaha ka qaybgalay shirweynaha Qaran ee loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha.