Hadlay Kaalinta ay kaga Jiraan Horumarinta Beeraha iyo Qorshohooda Farsamada Gacanta

0
124

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Jaamacadda New Generation ee Hargeysa Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf,ayaa ka hadlay kaalinta ay Jamaacadda New Generation kaga jirto horumarinta culuunta beeraha oo ah aqoon Somaliland ay baahi wayn u qabto isla markaana wax badan ka bedeli karta sicir bararka dhanka cuntooyinka marka la helo aqoonyanno culuunta Beeraha barta oo waxsoosaarka beeraha horumariya.

Waxaa kale oo uu iftiimiyay in ay ka Jaamacad ahaan diyaar u yihiin in ay hir geliyaan waxbarashada dhanka farsamada gacanta ah iyo cisbitaal ay Jaamacaddu yeelato oo ay dhakhaatiirta ka soo baxaysa Jaamacddu wax ku bartaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay Guddoomiye Cabdiwaasac waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan,waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan.

 

S: Mudane guddoomiye Jaamacadaha faraha badan ee dalka ka jira maxaad kaga duwan tihiin?

J: Dalka waxa ka jira 40 Jaamacadood wax ka badan, waxa Jaamacada New Generation kaga duwan tahay waxa weeyi, waa dhalinyaro, magaca jaamacaduna kii waa Jiilka cusub oo waa kii dhalinyarada, nidaam waxbarasho oo tayo leh, wada shaqaynta hawl wadeenada Jaamacada iyo bulshada, shaqaale daacada, madaxweyne daacada, iyo bulsho isku duuban oo u heelan inay dalka wax weyn ku soo kordhiyaan, kana fikira dalkan iyo dadkan sidii ay u horumarinlahaayeen.

S: Guddoomiye Jaamacadiinu farsamo Gacmeed ma leedahay, oo ardaydu gacanta wax maka qabtaan?

J: Haa farsamada gacanta waanu leenahay, sannadka 2024 waxa qorshahayagu yahay in aanu dhisno cisbitaal weyn iyo farsamadii gacanta oo wada socda, waxaanu leenahay Kuuliyada beeraha, waxaaney ka mid yihiin farsamada gacanta, beerahaasi ardaydu gacanta ayay wax ka qabtaan, waxa qorshahayagu yahay in aanu dhallinyarada barno laydh gelinta, wildhanka, waana laga maarmaan in Jaamacadu yeelato Farsamada waana qorshaha ugu dhaw ee aanu imika ku talo jirno haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

S: Mudane Guddoomiye ardayda culuunta beeraha barata xaggeed ku soo siisaan culuunta la xidhiidha farsamada beeraha ee gacanta laga qabanayo?

J: Jaamacadu waxay leedahay beero ugaara, kana badan 10 beerood, waxay leedahay Cagafyo ugaara, kuwaas oo Jaamacada iyo beerahaba ka shaqeeyaa, waxyaabaha cajiibka ah waxa ka mida dalagyada qaarkood, sida Galeyda, Hadhuudhka, Saliid Macsarta, digirtii, Jaamacadu way beertaa, wayna leedahay, labadii sano ee u danbeeyay hawshaasi waanu wadnay.

S: Guddoomiye Cabdiwaasax immisa Kuuliyadood ayay ka kooban tahay Jaamacadu?

J: Waxbarashada heerka koobaad waxa ay ka kooban tahay 15 Kuuliyadood, waxbarashada heerka labaadna 13 Kuuliyadood ayay ka kooban tahay, marka Kuuliyaddaha Jaamacada New Generation ay bixiso aad iyo aad ayay u balaadhan yihiin.

S: Mudane Guddoomiye New Generation siday ardayda danyarta ah waxbarasho u siisa?

J: Jaamacadu nidaam ayay leedahay, waxa jira wax la yidhaahdo masuuliyada bulshada, sannadkii 70 arday in ka badan ayay Jaamacadu waxbarasho lacag la’aana siisaa, sida ciidamada Qaranka, ciidamada booliska, dadka danyarta ah, Jaamacadu gobollada Gabiley iyo Togdheer xarumo ayay ku leedahay, saddexda Kamba see Jaamacadu dhammaantood waxbarashada lacag la’aanta ah way bixisa, bulshada caasimadu waxay qiraysa in aanu nahay jaamacada ugu badan ee bixisa waxbarasho lacag la’aana xata kuwa dowladda, qofkastana waxa aanu eegna duruuftiisa, sida uu ku  nool yahay, hawlihiisa, sababto ah qaarbaan ehel lahayn, kuwaan waalidiin lahayn, kuwa duruuf dhaqaale oo saameysay dalkeena ay soowajahday, in aanu bulshada u naxariisano oo waxan aanu gacanta ugu hayno wax ka siino, mar waa sadaqo mar waa ajar, marka waa lagama maarmaan, sadaqada aanu bixina waa waxyaabaha ay Jaamacadu ku soco.

S: Mudane Guddoomiye waxa jira xidhiidho badan oo lala sameeyo Jaamacadaha adduunka majiraan Jaamacado aad xidhiidh la leedihiin?

J: Jaamacado kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ah ayaanu xidhiidho la leenahay, sida Itoobiya oo kale, Yurub, Mareykanba iyo Aasiyaba, Jaamacaduhu iyaga ayaa isu baahan, isla soo xidhiidha, marka cilmibaadhis la sameynayo waxa jira waxyaabo badan oo dalkeena ku soo kordhay, xidhiidho faran iyo heshiisyoba jaamacado kala duwan ayaanu kula jirnaa.

S: Mudane Guddoomiye majirta daraasad aad Somaliland gudaheeda ka sameyseen oo hanaqaaday illaa imika?

J: Haa way jirta daraasado fara badan oo aanu sameynay, sida farsamada gacanta, oo dadka inta badan aanu u soo bandhigno, oo anaga laftayadu aanu ka bixino, oo meelaha wax lagu barto aanu gayno, hadda daraasad ayaanu gacanta ku hayna, taas oo ah Danbiyada maxaa badiya ama keena, sababta ay faldanbiyeedu ugu badan yihiin Kaamamka lagu soo barakacay, imika waxa aanu wadna cilmibaadhis sidaasa, sababto ah waxaanu ogaanay in goobaha kubadda lagu ciyaara aanay ka jirin Kaamamka Baracaka, in aanay jirin waxyaabihii dhalinyarada lagu mashquulinlahaa, sababto ah meel uunba la dajiyay waana laga dhaqaaqay.