Wasaaradda Waxbarashada JSL iyo Maxadka Kissa ee Kenya oo Iska Kaashanaya Qalabka Ardayda Aragga Naafada ka ah

0
126

Nairobi(Dawan):- wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyo Maxadka Kissa ee dalka Kenya ayaa iska kaasanaya tababarka qalabka wax lagu baro dada aragga naafada ka ah.

Wefti ka socda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo socdaal ku jooga Xarunta dalka Kenya ee Nairobi ayaa kulan la qaatay madaxa maxadka Kissa ka dib markii xubno wasaaradda ah oo halkaa tababar u joogay ay dhammaysteen tababarkii qalabka lagu tababarayay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland,ayaa u dhignaa sidan.  “Weftigii wasaaradda waxbarashadu u dirtey wadanka Kenya  magaaladiisa Nairobi  ayaa soo afmeeray barashada qaabka wax loogu daabaco qalabka ardeyda baahiyaha aragga ah qaba.

Ugu horeyn waxa munaasibada qalin jabinta ka hadlay agaasimaha guud ee maxadka kissa kenya waxaanu ku dheeraaday sida ugu faraxsan yahay in tababarkan ay bixiyaan isla markaana uu soo dhawaynayo in la joogteeyo tababarada noocana, waxaana uu sheegay in la sii wado cilaaqaadka iyo isku xidhka wasaaradda waxbarashada somaliland iyo maxadka kissa sidoo kale uu jecel yahay inuu soo booqdo Somaliland.

Agaasimaha Xafiiska manaahijta mudane Maxamed Cali Cumar oo ku hadlayay afka xubnaha ka socday wasaaradda waxbarashada ayaa uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu  balan qaaday in ay sii wadi doonaan waxbarashadan isla markaana ay uga faa’idayn doonaan ardayda.

Ugu danbeyn Agaasimaha ayaa waxa uu halkaa uga mahadceliyay madaxda sare ee wasaaradda waxbarashada oo uu ugu horeeyo  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dr Axmed Aadan Buuxane Wasiir ku xigeenka Abdihakiin Siciid Bustaale iyo Agaasimaha guud Dr Abdirisaaq Jama Nuur(Naakhuu.”