Xanuunka Macaanka, Noocyadiisa, sababaha keena iyo Calaamadiihisa.

0
114

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadanayna Xannuunka Macaanka iyo sababaha keen aiyo astaamaha lagu garan karo.

Dr. Caasha Ibraahim, oo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawlgasha cisbitaalada magaalada Oslo, ayaa si cilmiyaysan u faahfaahsay xanuunka Macaanka, waxaaney sheegtay in qofku si fiican ula noolaan karo, balse haddana uu keeni karo halis uu qofku ku waayi karo xubnaha muhiimka ah ee jidhkiisa, haddii aanu ula tacaalin si saxa.

Dr. Caasha Ibraahim waxay xustay in Xannuunka Macaanku uu leeyahay laba waji oo kala duwan, kuwaas oo midkasta uu leeyahay astaamihiisa.

Waxaaney tidhi.“Xannuunka Macaanku waa joogto, ahna in qofku noloshiisa la noolaado, daawooyin fiican oo u sahlaya in uu sifiican ula saaxiibi karo ayaa jira.

Xannuunkan waxa sabab u ah in jidhki sonkortii beddeli kari waayo si uu tamar uga helo, oo sonkortii ay ku badato dhiiga, xannuunkan qofka la nool Sonkortii tamar isuma bedesho, balse dhiiga dhexdiisa ayay ku badata,”

Dr. Caasha waxa ay si qoto dheer u sharaxaysa labada nooc ee xanuunka Macaanku siday u kala duwan yihiin, astaamahooda iyo waxa ay iskaga midka yihiin.

Waxaaney tidhi.“Xannuunka Macaanku waxa uu u kala baxa laba qaybood, ka koobaad waxa ka yimaada in aanu jidhku soo saarayn dheecaanadii Insuliinta, kana maqan jidhka, waxaanu inta badan ku dhaca carruurta yar yarka ah, astaamaha lagu gartaana waa Sonkortii oo aan jidhka la falgaleyn taasi oo dhiiga ku badanaysa, marka sidaasi ayaa lagu ogaanaya in xanuunkani si deg dega ugu soo booday qofkii.

Qaybta labaad ee Macaanka jidhkii Insuliiintii wuu soo saaraya balse shaqadeedii ayaan fiicnayn, sidaasi darteed ayay sonkortii dhiigi ugu badanaysa oo aanay jidhkii galayn si ay tamar ugu noqoto, waxaanu xannuunkani ku badan yahay dadka waa weyn ama waayeelka ah, caalamadihiisuna waxa ay qaataan wakhti dheer si loo arko.

Siguud xannuunka Macaanka astaamihiisu isku mid ayay noqonkaraan, qaybta koowaad si kedisa ayay qofka ugu soo boodaan, iyaga oo aad uga xoog badan sida qaybta labaad ayaa qofka laga arki kara, qofka miisaankiisa ayaa aad hoos ugu dhacaya, haraad badan, gaajo badan, daal badan, hurdo badan, dhidid badan, hurdadiisuna ka khalkhasho, balse calaamadahani qaybta labaad ee xannuunka way soo jiitamaan, waxaanay ku qaata qofkii in wakhti dheer xannuunkii lagu sheego, dhidid badan, muruqo xannuun, cunto badan, xannuunkani waa xanuunka wajiyada badan ee siyaabo kala duwan isu muujinkara”