Taliska Booliska Somaliland oo Anshax Mariyay Askari

0
124

Hargeysa (Dawan) Taliska booliska Somaliland, ayaa sheegay in anshaxmariyeen askari ka tirsan ciidanka booliska, kaas oo gacan u qaaday ilaaliyaha cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Taliska ciidanku waxa uu xusay in askariga dhirbaaxay ilaaliyaha cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, uu ka tirsan yahay waaxda ilaalada cashuuraha ee ciidanka booliska.

Taliska boolisku waxa ay caddeeyeen in tallaabo adag laga qaaday, isla markaana uu hadda ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Warkan ka soo baxay ciidanka booliska Somaliland oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa u dhignaa sidan:-.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu bulshada Somaliland u caddaynayaa ina uu tallaabo ka qaaday Dable Yaxye Saleebaan Ismaaciil oo maalinkii shalay ahayd dhirbaaxay mid kamida weeshmaanada Hospitalka weyn ee Magaalada Hargaysa , taasi oo baal-marsan dhaqanka iyo anshaxa suubban Ciidanka Booliska JSL.

 

Waxaanu ummada reer Somaliland u caddaynaynaa ina Askarigaasi oo ka tirsanaa waaxda ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska talaabo degdeg markiiba ka qaadnay markii aanu aragnay muuqaalka lagu faafiyay baraha bulshada kuna xidhan yahay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa , waxana si degdegna u horgeyn doono sharciga .

Ciidanka boolisku waxay u taagan yahiin ilaalinta Diinta , Maalka iyo Nafta muwaadiniinta JSL