Weerar Dad badan ku Dhinteen oo ka Dhacay Nigeria

0
122

Ugu yaraan 76 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Plateau oo ku yaalla bartamaha dalka Nigeria. Afhayeen u hadlay maamulka gobolkaas oo lagu magacaabo Gyang Bere ayaa BBC-da u xaqiijiyay dhacdadan.

Wuxuu sheegay in guddoomiyaha gobolka oo isna magaciisu yahay Caleb Mutfwang, uu amar ku bixiyay in la soo qabto kuwa ka dambeyay weerarka dadka badan ku dhinteen isla markaana la marsiiyo waxa ay mudanyihiin.

Dadka ayaa loogu baaqay sidoo kale in booliiska ay kala shaqeyaan wax ka qabashada amni darradan deegaannadaas ku soo korortay.

Weerarada ay gaysanayaan kooxaha hubeysan ayaa saameyn ku yeeshay nolosha dadka gobolka Plateau.