Hargeysa: Booliska oo Gacanta ku soo Dhigay dambiile jabsaday Meherad

0
162

Hargeysa(Dawan)Ciidanka  Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay  dambiile jabsaday Meherad  ku taala Magaalada Hargeysa oo ka qaatay lacago yaalay.

Taliyaha  Saldhiga  degmada  26 June  ee  Ciidamada  Booliska  Gaashaanle  Maxamed  Faarax Muuse ayaa waxa uu sheegay in ee daysanahan ay ka qoreen qiraal uu ku qirtay in uu dhacay lacago yaalay Meherada.

Maxamed  Faarax Muuse  oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aan isleeyahay  tuugada waxan sameeyay waa kii  ugu caqliga xumaa abid,  sababta waxa  weeye meharada meherada ku xigta ayuu leeyahay.waxa sameeyay meheradiisii ayuu meherada kale uga dhacay oo uu  isleeyahay haloo qaato in tuug ka soo dhacay,waxaana uu ka soo  qaatay wixii yaalay meherada.waxaana uu jabiyay qasnadihii yaalay  hadana waxa uu usoo dhacay meheradiisii  oo uu ka qaatay lacago yaalay si uu asko u qaybiyo.markii aanu ribootkii   helnay ee aanu meeshii tagnay,waxa aanu garanay in aan meel kale looga iman ee meherada ku xigta looga soo  dhacay.waayo meheradan uu dhacay hoosta ayuu ka soo xidhay  oo uu ka soo noqday  waanu soo  xidhnay baadhis dheer ayaanu galnay,waxaana aanu helnay dubayaal uu u  isticmaalay oo uu qasnadaha ku garaacay.waxaana uu qirtay in uu lacagtaas uu  isagu  qaatay,Maxkamadda waanu gaynay oo waxaanu  ka soo qornay qiraal Maxkamadeed,”.