Hargeysa: Shir lagaga Hadlayay Bilaabista Mashruuca Qurxinta Caasimadda

0
124

Hargeysa(Dawan):-Shir lagaga hadlayay Mashruuca Qurxinta Caasimadda  qaybtiisa koowaad oo laga bilaabi doono Waddada Halbawlaha  ayaa ka qabsoomay Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Dawlada hoose ee Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Komishanka Tamarta  Maxamed Maxamuud Cabdi Malow Xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa Siciid  ayaa ka qayb galay xubno ka socday Shirkadaha Korontada Iyo  Shirkadaha  Isgaadhsiinta iyo  Wakaalada Biyaha Hargaysa.

Shirkan  ayaa  waxa  lagu falanqeeyay sidii ay uga wada shaqayn la haayeen  Dawlada hoose ee Hargeysa  Shirkadaha Korantada iyo  Komishanka Tamarta iyo  Wakaalada biyaha Hargeysa hirgalinta  Mashruuca Qurxinta Caasimadda qaybtiisa koowaad oo laga bilaabi doono Waddada Halbawlaha ee Caasimadda Road No.1.

Shirkan  ayaa waxa  lagu  soo bandhigay   qaabka ama design-ka ay yeelan doonto waddadu  xogta iyo xadhkaha   kayballada waddada ku teedsan