Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Dardaaran u Jeediyay Jaamacadda Gar-adag

0
177

Gar-adag(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo  Degmada Gar’adag kaga qayb galay Munaasibad lagu dhagax dhigayey Waddo Cusub oo laami ah oo isku xidhi doonta Jaamacadda IBRAAHIM BARRE UNIVERSITY iyo Degmada Gar’adag ayaa talooyim muhiim ah u jeediyey Maamulka Jaamacadaasi .

 

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo Munaasibadaas Hadal ka Jeediyey ayaa ugu horeyn ,shacabka Degmada Gar’adag ugu baaqay in ay ilaashadaan nimcooyinka ay Haystaan oo ay kow ka tahay Jaamacada Ibraahim university kuna shukri naqdaan ayuu Yidhi Wasiirku .

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Maamulka Jaamacadda IBRAHIM BARRE UNIVERSITY u jeediyey in ay Jaamacaddu noqoto mid la timaada qorshayaal lagu horumarinayo Arrimaha Bulshada oo meesha ka saara  Khilaafaadka soo noq-noqda ee Ragaadiyey Gobolka baaxada iyo Khayraadka leh ee SANAAG .

 

Dhanka kale waxa Wasiirku Maamulka Jaamacadda faray in ay soo kordhiyaan Kulliyadii Barashada Culuumta Diiniga ah ,taas oo bulshada degaanadaas u horseedi doonta horumar iyo Barwaaqo  .

 

“Waxa aan kusoo gebo-gabaynaya Ilaahay Subxaana wa-tacaala ha inoo siyaadiyo Nimcooyinka iyo wanaaga aynu haysano ,ilaahay ha inoo siyaadiyo Imaanka iyo Amniga ,Ilaahay Subxaana wa-tacaala Guud ahaan Qarankeena  mid taam ah oo Nabad iyo Horumar ku naalooda ha inoo dhigo “ Ayuu Yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi .

 

Ugu dambayntii waxa Wasiirku Waayeelka iyo Waxgaradka  Degmada Gar’adag ku Bogaadiyey Horumarka ay ka wadaan ,degmada Gar’adag ,waxaanu ku dhiiri-geliyey in ay halkaa kasii wadaan .