Hargeysa (Dawan) Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wada-hallada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Edna Aadasn Ismaaciil ayaa jawaab kulul ka bixisay hadallo ka soo yeedhay Ergayga Somaaliya u qaabilsan Wada-hallada, kuwaasi oo uu kaga hadlay heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia Abiye Ahmed.
Dr. Edna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in xidhiidhka labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland uu yahay mid soo jireen ah, marka laga soo bilaabo sannadkii 1988-kii oo hal milyan oo qof oo reer Somaliland ahi ay ka qaxeen xasuuqii iyo duqayntii dawladdii kali-taliska ahayd ee Soomaaliya, xiligaas oo ay Ethiopia ku nabad-gelisay kuna soo dhawaysay dhulkeeda dadkii reer Somaliland.
Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wada-hallada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Edna Aadan Ismaaciil, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u gaabilsan wada-hallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay si kulul u cambaaraynaysaa faallada uu ka bixiyay Ergayga Somaaliya u qaabilsan wada-hallada, heshiiskii ay Addis Ababa ku saxeexeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia.
lyada oo xidhiidhka labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland uu yahay mid soo jireen ah, marka laga bilaabo 1988-kii oo hal milyan oo qof oo reer Somaliland ka qaxeen xasuuqii iyo duqayntii Soomaaliya u gaysatay shacabka, taas oo Ethiopia ku nabad-galisay kuna soo dhawaysay dhulkeeda sida Camp Abokor, Rabaso, iyo goobihii kale ee ay dejisay dadkii ka soo qaxay xasuuqaas iyo gumaadkaas arxandarrada ahaa.
Intaa kadib, ilaa iyo hadda xidhiidhka labada dal ee Ethiopia iyo Jamhuuiriyadda Somaliland waxa uu ahaa mid sii koraya oo 20 sannadood horteedna ay Somaliland fursad u siisay in ay Qaramada Midoobay dekeda Berbera soo mariyaan caawimooyinka u socda Ethiopia.
Sannadihii ugu danbeeyay waxa si xawli ah u kobcay isticmaalka dekeda Berbera, kadib maalgalintii iyo dib u habayntii shirkadda DP World ku samaysay Dekeda Berbera. Waxa kale oo xusid mudan dhismihii ay ka gaysatay dawladda Ingiriisku waddada dhuunta ah ee Berbera Corridor, taas oo ka soo bilaabanta Dekeda magaalada Berbera illaa iyo magaalo xuduudeedka Wajaale, taas oo si weyn u fududaysay isku socodka gaadiidka ganacsiga ee labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland.
Sidaas darteed, iima muuqato sababta keentay in Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya uu ka faalloodo heshiishyada gaarka ee ka dhexeeya JSL iyo dalalka ay jaarka yihiin. Waxa kale oo aan ii muuqan sababta keentay in Ergayga Gaarka ah ee Wada-hadalladu faaladaas bixiyo, sababta oo ah waxa labada xafiis loo igmaday ka shaqaynta, isku soo dhawaynta, wada-hallada labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaan xasuusinayaa dhigayga Soomaaliya in Dawladda Somaliland aanay arrimaheeda u gaarka ah cidna uga fasax qaadanayn marnaba.
Sidaas darteed, waxaa habboon in ergayga wada-hadalladu uu ka gaabsado faallada iyo dhaliisha arrimaha u gaarka ah Jamhuuriyadda Somaliland.”