Xukuumada Somaliland oo Raali-gelin ka Dalbatay Dowladda Soomaaliya

0
117

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay ka baxday heshiiskii ay Jabuuti ku wada gaadheen labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii uu Wasiir Fiqi sheegay in heshiisku uu ahaa mid lagu midaynayay labada dhinac.

Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliya, uu jabiyay mid ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliye ee dalka Jabuuti, qodobkaasi oo dhigayay in heshiiska laga ilaaliyo wixii dhaawacaya.

Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa ku jiray in dhinac waliba ilaaliyo geedi socodka shirarka, isla markaana aan la samaynin hadalo iyo qoraalo dhaawacaya geedi socodka shirarka iyo jawiga wadahadalada, waxaan ka xumahay in wasiirkii aanu wada saxeexnay uu ku tilmaamay mid dalka wadajirkiisa loogaga talinayay” .

Waxa uu sheegay in heshiisyadii hore ay burbureen kadib markii ay Soomaaliya ka been sheegtay wixii lagu heshiiyay, isla markaana ay hadalo aan haboonayn ka danbaysiisay, imikana markale ay dowlada federaalku jabisay heshiiskii.

“Arrintani waxay muujinaysa in heshiiskii ay ka baxday Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaanu ku baraarujinaynaa in ay raaligalin ka bixiyaan qodobkan wasiirku uu sida khaldan u tilmaamay” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirku waxa uu sheegay in ujeedada heshiisku anay hayn in Somaliland iyo Soomaaliya midoobaan, lakiin ay ahayd in labada dhinacba ay gaadhaan heshiis ay raali ku wadayihiin mustaqbalka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa shirkii Jabuuti kadib sheegay in shirku uu ku saabsanaa sidii Somaliland iyo Soomaaliya ay markale u midoobi lahaayeen.