Xoghayihii Hore ee Arrimaha Dibadda UK iyo Gavin Williamson oo Ingiriiska Ugu Baaqay in uu Aqoonsado Somaliland

0
152

Hargeysa(Dawan)- Xoghayihii hore Arrimaha Dibadda UK, Zac Goldsmith, ayaa ku boorriyay dawladda Ingiriiska in ay aqoonsato qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama oo ay shuruudu ahayd in dalka koowaad ee aqoonsada JSL uu noqdo Afrikaan.

“Arrintani (isfahamka Somaliland iyo Itoobiya) wuxuu war farxad leh u yahay Dawladnimada Somaliland iyo dadkeeda. Haddii aan ahay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda UK mar walba way ii caddayd in aanu aqoonsan doono madax-bannaanida Somaliland xiliga uu ictiraafo waddan Afrikaan ahi. Waxaan rajaynayaa in imika UK ku dhaqaaqi doonto Qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland,” ayuu yidhi Zac Goldsmith oo qoraal ku baahiyay bartiisa X (Twitter).

Sidoo kalena, Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Itoobiya noqoto dalka ugu horreeya ee Afrika ee ku dhawaaqi doonta “Aqoonsiga Somaliland”.

Xildhibaan Gavin Williamson oo si weyn u taageera Qaddiyadda Somaliland, horena mooshin la xidhiidha aqoonsiga Somaliland horgeeyay Baarlamaanka UK, ayaa bartiisa X (Tiwitter) ku sheegay sida uu ula dhacay heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kaloo xildhibaanku ku dooday in UK aanay muddo dheer waxba ka qaban Qaddiyadda Somaliland, waxaanu xusay in xiligan la joogo ay hoggaamin la timaado Dawladda Ingiriisku oo ay xaqiijiso sidii ay u aqoonsan lahayd Somaliland.