Addis-ababa (Dawan)- Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay in is-fahamka ay dhawaan kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid muddo laga tashanayay oo labada dal isku raaceen inay faa’iido ugu jirto iskaashigooda.
Dawladda Itoobiya waxa ay sidaas ku sheegtay war-murtiyeed dheer oo ay shalay soo saartay oo ay kaga hadashay xaqa ay Somaliland iyo Itoobiya u leeyihiin inay masaalixdooda iska kaashadaan. Waxana ay shaacisay inay mar walba jiri doonaan cid ka nixi doontaa.
“Somaliland waxay ahayd maxmiyadii Ingiriiska oo ay xornimadeeda ka qaadatay 26-kii June 1960-kii, waxa xusid mudan in xiligaas dalal badani ay siiyeen aqoonsi. Si kastaba ha ahaatee, shan maalmood ka dib isla sannadkaas Somaliland waxay si iskeed ah ula midowday Muqdisho oo xornimada ka qaadatay Talyaaniga. Somaliland waxa ay madax-bannaanideeda caddaysay mar kale sannadkii 1991kii, intii ka dambaysayna waxa ay muddo soddon sannadood ah taabogelisay dimuqraadiyad iyo doorashooyin xidhiidh ah oo awooda xukuumadda lagula kala wareegay,”ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka Itoobiya.
Waxa kaloo dawladda Itoobiya ay sheegtay in kasta oo Somaliland aanay aqoonsi weli ka helin adduunka, haddana dalal kala duwan la galeen heshiisyo; “Dalal Itoobiya ka mid tahay ayaa qunsuliyado ka furtay Hargeysa, inkastoo Somaliland aanay weli helin aqoonsi buuxa, hase yeeshee waxa ay saxeexday heshiisyo ay la gashay dalal kala duwan. Waxa hore u jiray is faham Itoobiya dekedda Berbera laga siiyay maalgashi saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban, waxa kaloo jiray dhinacyo kale oo heshiiskaas dekedda ku lug lahaa oo caddaynaya inay Somaliland horeba u gashay heshiisyo, mana jirin wax cabasho ah oo laga keenay.”
Dawladda Itoobiya waxa ay xustay in is fahamka dhawaan ay kala saxeexdeen Somaliland uu dhigayo inay Itoobiya ay ka hesho saldhig millatari iyo Kadin baddeed ganacsi oo kiro ah.
“Waxa Itoobiya iyo Somaliland ka dhexeeyey heshiis iskaashi oo soo jireen ah. is-fahamka iyo iskaashiga dhawaan la saxeexay ayaa ka tarjumaya dedaallada ay labada dhinac u galeen sidii loo sii xoojin lahaa saaxiibtinimadooda iyo baahiyaha taariikhiga ah ee labada waddan leeyihiin. Waxa kale oo ay fududayn doonaa is fahamkani iskaashiga istiraatijiyadeed oo ku sallaysan hab waara oo daah-furan,”ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka Itoobiya.
Warsaxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in is fahamka labada dal uu Somaliland fursad u siinayo dalabkoodii muddada dheer, waxaanu yidhi; “Is fahamku Somaliland wuxuu u sahlaysaa in ay helaan caawimada iyo iskaashiga aanay ka heli karin dal kale, waxa kale oo uu ka jawaabayaa dalabaadkooda muddada dheer.”
Dawladda Itoobiya waxa ay caddaysay in is fahamkan ay wada gaadheen Somaliland uu muddo dheer soo socday oo laga yeeshay lafo-gur iyo wada-xaajoodyo badan, la iskuna raacay inay faa’iido ugu jirto labada dawladood.
“Dawladda Itoobiya waxa ay ku samaynaysaa qiimayn qoto-dheer inay qaadato mowqifkeeda ku wajahan sidii Somaliland ku heli lahayd dedaalka ay ugu jirto inay hesho aqoonsi,”ayaa lagu bayaamiyey war-murtiyeedkaas.
Waxa kaloo bayaankaas lagu shaaciyay in aanu jirin wax sharci ah oo uu jabinayo is fahamka ay gaadheen Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo mar walba ka cadhaysiinaya, kana nixinaya kuwa isku dayaya inay mijo-xaabiyaan horumarka togan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Isniintii toddobaadkan kala saxeexday is faham taariikhi ah oo labada dal ku sii xoojinayaan cilaaqaadkooda, kaasi oo qaracan ku riday dawladda Soomaaliya oo ka xumaatay horumarka labada dal ee jaarka ah.