Xukuumadda oo Shaacisay in Sirdoonka Soomaaliya uu Beegsanayo Qof Kasta oo loo Garto inuu ka soo Jeedo Somaliland

0
133

Hargeysa(Dawan)- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanks iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in maamulka Muqdisho ay ugaadhsanayaan oo ay Hay’adda sirdoonka ee NISA ay xidh xidhayso qof kasta oo lahjadiisa laga dareemo inuu ka soo jeedo Somaliland.

Wasaaradda Warfaafintu waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay hog dheer ku riyaday niyad wanaagii iyo walaalnimadii reer Somaliland, isla markaana aanay is hortaagi karin heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen JSL iyo Dswladda federaalka Itoobiya.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo u qornaa sidan:-

“Wasaaradda Warfaafinta Dhaganka iyo Wacyi-gelinta Jamuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa hadallo deel-qaaf iyo lidi ku ah qaddiyadda iyo jiritaanka Somaliland, qoraalka ka soo baxay dawladda Soomaaliya, taas oo ay si isyeelyeel ah uga hadlayaan Qaddiyadda Jamuuriyadda Somalilnad taas oo ay ku duudsiyayaan masiirka ummadda JSL.

Dawladda Xasan Sheekh waxay Jamuuriyadda Somaliland ku eedaysay in ay isku dayayso in ay ku af-qabto suxufiyiin iyo dadweyne ay ku sheegeen in ay ka dhiidhiyeen heshiiskii is af-garadka ahaa ee ay wada gaadheen dawladaha Jamuuriyadda Somaliland iyo dawladda fadaraalka ah ee Itoobiya.

Waxaanu la soconaa in hay’adda nabad sugida ee maamulka Muqdisho ee (NISA), ay biloowday ugaadhsiga dadka ka soo jeeda Somaliland ama leh lahjada reer Somaliland in ay haddana iska dhigayaan kuwo u nasteex ah shacabka iyo muwaadiniinta reer Somaliland, Waxay shacabka JSL xasuusinaysaa in labadii dawladood ee Soomaaliya soo maray 1960 ilaa 1991 ay tii Aadan Cadde ay niyad jebisay doonistii midnimadii Soomaali weyn, markii ay si weyn u xaqirtay ummadii reer Somaliland ee u soo hilawday, halka tii Siyaad Barrena ay naf iyo maal ay burburisay dadkii reer Somaliland.

Waxa si toos ah baraha bulshadda looga daawanayey muwaadin reer Somaliland ah, Cabdibaasid Maxamed Gaani, oo warbaahinta Muqdisho ka taageeray heshiiska Xukuumadda Jamuuriyadda Somaliland la gashay Itoobiya, kaasi ay gacanta ugula tageen saraakil ka tirsan (NISA), kuwaas oo ugu danbayntiina boobay meheradii uu ku haystay mid ka mid ah suuqyada Xamar, iyada oo markii danbena si baxsad ah ku soo gaadhay caasimadda Hargaysa.

Waxaa la yaable leh in dawladda Xasan Sheekh ay u fasirato xorriyaadka asaasiga ah ee uu ogolaanaya shacabka reer Somalilnad in ay ra’yigooda dhibtaan mid lagaga soo hor jeedo qarannimada Somalilnad oo laguna tageeraayo falka xaasidka iyo hinaasaha ku dhisan ee ka imanaya maamulka Banaadir.

Shacabka reer Somalilnad ma aha kuwo lagu khaldi karo hadallo iska oohin ah, iyadoo si yasmo ah loogu yeedhayo magaca (gobollada waqooyi) ummadda reer Somaliland waa kuwa dhuuxoodaba uu buux dhaafshay jacaylka ay u hayaan qaddiyadooda ay u soo dhabar adaygeen kuna waayeen wixii ay u soo tabaceen boqolaal sanno oo hore, maantana ay dib u yab-yabteen, kaasi oo dhawaanna ay rajaynayaan in calankoodu ka dhex muuqdo golayaasha caalamiga ah.

Haddaba, waxa bulshadda reer Somalilnad iyo Saxaafadaba aan u soo jeedinaynaa in ay ka feejignaadaan dabinka ay u qoolaayo cadawga Somaliland.

Ugu danbayntii dadka reer Somaliland ee ku nool Xamar waxa lagu wargelinayaa in ay ka taxadiraan hagardaamada iyo dabo-galka ay ku hayaan Ciidamada (NISA), si aanay dhibaato ugu soo gaadhsiin falalka ay dawladda Soomaaliya ku beegsanayso muwaadiniinta JSL ee dhulkaas ku nool.”