Maxaad Ka Cadhoodtay Ee Dhacay?!

0
162

Farashaxankii caanka ah noqday qarinigii 20aad ee lagu magacaabi jiray Pablo Ruiz Picasso kuna dhashay dalka Spein sanadkii 1925 ayaaย  Maalin markii uu gurigiisa ku soo noqday arkay iyadoo alaabtiisa u taalay ay wada jabjaban tahay waxaana u cadaatay in guriga tuug usoo dhacay.

Markii uu alaabdii wada eegay iyo waxa ka maqan Mr.Picasso aad ayuu u cadhooday ka dib markii uu ogaaday in tuugtu wax keliya ee ay xadeen tahay goโ€™ii furaashka ugu goglanaa.

Saaxiibkii oo la joogay oo aad uga naxay cadhadiisa ayaa weydiiyay shayga weyn ee ay tuugtu qaateen ee uu ka cadhooday kana mururgoonayo?ย  Farshaxanka ayaa u sheegay inay qaateenย  goโ€™ii furaashka ugu goglanaa, laakiin saaxiibkii ayaa ku celiyay hadda maxaad ilaa xadkan la cadhootay in alaab qiimo badan leh ay ka qaateen ayaan moodayee?

Mr.Pablo Ruizayaa ayaa ugu jawaabay: โ€œWaxaan ka cadhaysanahay in Nacasyadaasi aanay waxba ka xadin farshaxankaygii qaaliga ahaaโ€. Hadday tuugba yihiin maxay u baran waayeen qiimaha farashaxankayga taasi ayay ka heli lahaayeen hanti badane. Waxaana uu intaasi ku daray tuuga jaahilka ah ayaa ugu nacasnimo badan. Mr.Pablo Farashaxankiisa ayaa ahaa kuwo aad qaali u ah oo qiima sare ka joogay dalka wakhtiga tuugtu gurigiisa usoo dhacaday laakiin nasiib darro may garanayn. Picasso wuxu dhintay sanadkii 1973.