Hargeysa( Dawan)Garyaqaan Yuusuf Biixi ayaa ka hadlay heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala saxeexdeen Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.
Yuusuf Biixi Talosame ayaa sheegay in qodobka 90aad dastuurka Somaliland u ogolaanayo Madaxweynaha in uu heshiisyo Caalamiya soo galo,
Yuusuf Biixi oo Arimahaasi ka hadlayayna,Waxa uu yidhi”Heshiis kasta oo Caalamiya waxa soo gelaya Madaxweynaha Somaliland,waxaana u ogol dastuurka Somaliland qodobka 90aad faqradiisa 4aad.waxaana Madaxweynuhu inoo sheegay in uu soo galay heshiis saldhig Milatari laga kiraynayo Itoobiya,waxaana ay waafaqsantahay qodobka 90aad faqradiisa 6aad.waxaana soo baxay dhawaaqyo kala duwan intii heshiiskaasi soo baxay badhna taageersanyihiin badhna ka soo hor jeedaan. waxaana Midowga Afrika ay soo saareen in ay waafaqsanyihiin xuduudihii 1960 kii,taasi waxay ka dhigan tahay in Somaliland aqoonsanyihiin dal Madaxbanaan,waxaana ay kala ahaayeen labo dal oo kala Madaxbanaan Somaliland iyo Soomaaliya.waxaana weeye guulo Somaliland usoo hoyatay,”.