Safiirka Somaliland ee Djabuuti oo Kormeeray Qaabka Loogu Adeego Dadka Isaga Gudbaya Xuduudka Labada Dal

0
120

Lawyacado (Dawan) Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Djabuuti Danjire . Cabdifataax Siciid Axmed ayaa Safar Shaqo ku tegay Magaalo Xuduudeedka Lawyacado.

 

Waxaana magaalada Lawyacado si diiran ugu soo dhaweeyay Safiirka, Gudoomiyaha Gobolka Salel Mudane Mawliid Maxamed Nuur oo Gudanaya Shaqo-maalmeedkiisa iyo Kor-joogtaynta habsami u socodka Shaqada iyo Xafiisyada ka shaqeeya Isku-socodka  xuduudka labada Dal oo ah waajib uu gunayo Gudoomiyuhu.

 

Masuuliyiintan oo si wada jir ah u soo kormeeray Xafiisyada Shaqada, hannaanka ay u socoto iyo sida loogu adeegayo Dadka muwaadiniinta ah ee Labada Dal, waxaanay ahmiyada kormeerkan siiyeen sidii ay u ogaan lahaayeen hannaanka loogu adeego dadka isaga gudbaya xuduudka u dhexeeya labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland iyo qaabka ay u socoto shaqada xafiisyada u adeega bulshada jidka marta.

 

Ugu dambayn Gudoomiyaha Gobolka Salel Mudane mawliid Maxamed Nuur iyo Amp. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa Shaqaalaha ku amaanay sida ay u gudanayaan Shaqadooda ee ay heeganka ugu yihiin Laamaha ay khusayso ee Laanta Socdaalka iyo Kastamka iyagoo Ku dhiiri-galiyey inay halkaa ka sii wadaan Dadaalka iyo shaqada.

 

Sidoo kale waxa ay kula dardaarmeen shaqaalaha u adeegaya bulshada Somaliland iyo Jabuuti inay si wanaagsan ugu adeegaan bulshadooda, una fudaydiyaan hawl kasta oo ay uga baahdaan iyaga oo sharciyada dalka waafajinaya.