Garyaqaan ka Hadlay Heshiiskii ay kala Saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya

0
129

Hargeysa( Dawan)Garyaqaan Yuusuf  Biixi ayaa ka  hadlay heshiiskii taariikhiga ahaa  ee  ay kala  saxeexdeen Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Yuusuf  Biixi Talosame  ayaa   sheegay in  qodobka  90aad dastuurka Somaliland u ogolaanayo Madaxweynaha  in uu  heshiisyo Caalamiya  soo  galo,

Yuusuf  Biixi oo  Arimahaasi ka hadlayayna,Waxa  uu  yidhi”Heshiis  kasta  oo Caalamiya waxa soo gelaya Madaxweynaha Somaliland,waxaana u ogol dastuurka Somaliland qodobka  90aad faqradiisa 4aad.waxaana  Madaxweynuhu inoo  sheegay in  uu  soo  galay  heshiis saldhig  Milatari laga  kiraynayo   Itoobiya,waxaana ay  waafaqsantahay  qodobka 90aad  faqradiisa 6aad.waxaana  soo  baxay dhawaaqyo  kala  duwan intii heshiiskaasi soo  baxay badhna taageersanyihiin badhna  ka  soo  hor jeedaan. waxaana  Midowga Afrika ay soo saareen  in ay   waafaqsanyihiin  xuduudihii 1960  kii,taasi  waxay  ka  dhigan   tahay   in Somaliland   aqoonsanyihiin  dal  Madaxbanaan,waxaana ay kala  ahaayeen labo  dal oo  kala  Madaxbanaan  Somaliland iyo Soomaaliya.waxaana  weeye guulo  Somaliland usoo    hoyatay,”.