Nuxurka Heshiisku waxa weeye in Dawlada Itoobiya si toos ah u Aqoonsato Somaliland.”

0
105

Hargeysa(Dawan)Wasiirkii  hore  eee Wasaarada   Ganacsiga  Somaliland  Eng.  Xuseen Aadan Cige Xuseen Dayr ayaa ka hadlay heshiiskii ay kala  saxeexdeen  Somaliland  into Itoobiya.

Xuseen Aadan Cige ayaa waxa uu  sheegay in  nuxurka  heshiiska  in dawlada Itoobiya   u aqoonsato  Somaliland qaran madaxbanaan,isla,markaana dawlada Itoobiya  saldhig Milatari ku  yeelato  badda Somaliland.

Xuseen Aadan Cige oo  Arimahasi ka hadlayayna.Waxa uu  yidhi”Heshiiskii  ay kala saxeexdeen  Somaliland iyo  Itoobiya ee  ku  dhexmaray Magaalada   adisababa,Somaliland 33  sanno  ayay   Ictiraaf Caalamiya  raadinaysay geed  dheer iyo geed   gaabanba waynu u fuulnay sidii Ictiraaf  u heli lahayd.Xukuumadihii kala  dambeeyay ee Somaliland juhdi  kastana  waala galiyay  Ictitaafka,nuxurka  heshiis kaasi  waxa weeye  in dawlada Itoobiya   si toosa  u  aqoonsato in Jamhuuriyadda  dawlada Somaliland qaran madaxbanaan noqoto,taas badal  keedana  dawlada Itoobiya  saldhig Milatari ku  yeelato   baddacas  oo ay hesho marin ay u marto badda cas.waana  isafgarad.isbadalka  Siyaasadeed ee amni  iyo dhaqaale ee Caalamka  ayaa keentay in wadan kastaaba  danihiisa iyo maslaxadihiisa  Siyaasadeed ka fikiro.kuma  dhici  karo Xasan  Sheekh in uu  eryo safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya xidhiidhkana Itoobiya u jaro  hadii  Itoobiya aqoonsato  Somaliland,”.