Dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo Ka Wada Hadley Xoojinta Xidhiidhka Iskaashiga labada Dal

0
135

Hargaysa (Dawan) Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargaysa ayaa kormeer ku tegay xarunta wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi galinta Jamhuuriyadda Somaliland, halkaas oo uu soo kormeeray qaybaha kala duwan ee ay wasaaraddu ka kooban tahay.

Weftiga oo uu hoggaaminayay madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargaysa ayaa waxa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Siciid Habane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mustafe Cabdi Ciise, iyo la taliyaha Wasiirka ee Wasaaradda Warfaafinta.

Weftiga iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafintu waxay kawada hadleen arrimo badan oo dhinaca Siyaasada ah iyo kor u qaadista xidhiidhka Wanaagsan ee ka dhaxeeya Dawlada Somaliland iyo Dawlada England.

Dawladda Ingiriiska ayaa ah dawlad uu xidhiidh qoto dheeri uu ka dhexeeyo Somaliland, kuwaasi oo saaxiibo dhaw ahaa muddo aad u badan, waxaanay iska taageeraan labada dal arrimaha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo dhinaca Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka.

Waana ta keentay inuu wanaagsanaado xidhiidhka masuuliyiinta Xafiiska Dawladda Ingiriiska iyo dhammaan Hay’adaha Somaliland oo ay kawada shaqeeyaan danaha labada dal.

Gebo’gabadii Weftigan Ingiriiska ah ayaa waxa ay soo kormeereen goobo muhiima oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi galinta Somaliland sida, Radio Hargaysa, Telefishanka Qaranka, iyo qolka kaydka wasaaradda.