Xildhibaanno ka Tirsan Golaha Guurtida oo Madaxweynaha Farriin u Diray

0
151

Hargaysa (Dawan) Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Madaxwayanaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ka codsaday in aanu qalinka ku duugin xeerarka isa-saarka Doorashooyinka Qaranka oo ay ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in aanay golaha wakiilladu u gudbin karin Madaxwaynaha xeer aan labada gole ku wada qanacsanayan, waxaanay sheegeen in loo baahnaa in ay golaha wakiilladu u gudbiyaan guurtida si ay waajibkooda uga gutaan, balse ay taasi baal mareen.

Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir iyo Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdilaahi Diir-qadhaaq ayaa cuskaday qodobka 78-aad ee Dastuurka dalka, kaasi oo ka hadlaya qaabka ay golaha Xeer dajintu isugu gudbiyaan xeerarka ay ka wada shaqaynayaan, waxaanay tilmaameen in marka golaha wakiilladu ay xeer u gudbiyaan golaha guurtida ee guurtidu dib ugu soo celiso golaha wakiillada, ay u banaan tahay in ay ku raacaan guurtida iyo in ay diidaan labadaba, haddii ay diidaan wax ka badelka guurtida waxa uu Dastuurku dhigayaa in ay golaha guurtida u gudbiyaan kal-fadhiga xiga.

Dhinaca kale Xildhibaanada guurtida ayaa dhigooda Wakiillada ugu baaqayn in aanay dalka ka aloosin khilaaf sharci oo hor leh, madaama uu wakhtigan laga soo raysanayo khilaafaadka sharci ee dalka ka jiray oo ay sheegeen inay golaha guurtidu daweeyeen, dhammaan saami-layda Doorashooyinkuna ay soo wada dhaweeyee.

Gaba’gabadii wakhti xaadirkan ayaa waxa ay u muuqataan in ismaan dhaafka sharci oo ka dhashay xeerarka isa saarka doorashooyinku u dhaxeeyo labada gole ee guurtida iyo wakiillada.