Warbaahin Fashilisay Qorshe ay Soomaaliya ku Doonayso Inay Al-shabaab u Garabsato Dhicisaynta Isfahamka Somaliland iyo Itoobiya

0
170

Hargeysa(Dawan):-Colaadda ay  Soomaaliya u qabto Somaliland iyo nolol u quudhi waaga dawladda Xamar mar kasta ku hagar daamaynayso dawladda Somaliland iyo dadkeeda ayaa markale soo ifbaxday ka dib markii  Somaliland iyo Itoobiya heshiiska is fahamka ah ay kala saxeexdeen. waxaanay  dawladda Soomaaliya qaaday tallaabo cadawnimo tii ugu waynayd oo ka dhan ah qarannimada Somaliland.

Waxaanay qaaday dawladda Xasan Sheekh inay isku daydo inay dhicisayso heshiiska isfahamka ah isla markaana la  kaashato ururka Alshabaab ee argagixisada ah.

Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa hindisaha Soomaaliya baahiyay, waxaana Saraakiil sarsare oo ka tirsan Soomaaliya ay si cad uga bayaamiyay warbaahinta inay isgarabsanayaan Al-shabaab si ay weerar u qaadaan.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo markii la weydiiyay sida ay u wada shaqaynayaan Al shabaab ayaa yidhi “Waxa aan doonaynaa in nimanka Alshabaab la yidhaahdo waa inaynu u midownaa sidii loo fashilin lahaa heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya. Waa in aynu nidhaahnaa Alshabaab ina mariya aynu la dagaalanno Itoobiya dhinacaas ayuu jihaadkii innaga xigaaye.”

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdilaahi Cali ayaa iftiimiyay inay doonayaan inay jabhado ay iskaashadaan Alshabaab ay ka abuuraan Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga Soomaaliya ayaa la weriyay in qorsheyaasha miiska u saaran ay ka mid tahay inay doonyo dheereeya oo ay leeyihiin Alshabaab lagu weeraro magaalada Saylac ee gobolka Selel.

Qorshahan ayaa ka dhashay madaxweynaha dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay cid kasta u kaashanayaan dagaalka uu doonayo inuu ku fashiliyo heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ee ku wajahan in 20km oo Kadin baddeed kiro ah Itoobiya laga siiyo xeebta Somaliland, halka ay Itoobiyana noqon doonto dalka u horreeya ee aqoonsada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.