Xikmadaha Maanta

0
117
  • Mar kasta khasab maaha inaad guulaysato laakiin waxa khasab ah inaad mar kasta ku fikirto sidii aad u guulaysan lahayd.
  • Guuldaradu maaha inaad meel sare ka soo dhacdo, laakiin waa inaad fuuli kari weydo.
  • Dadku ma ilaabaan hawsha wanaagsan ee aad qabatay, mase xusuustaan wakhtiga aad ku qabatay sidaa awgeed iska dhaaf degdega oo hawl kasta oo aad qabato hagaaji.
  • Geedka waxaa lagu qiimeeyaa midhaha ama hadhkiisa, dadkana waxaa lagu qiimeeyaa ficilada ay sameeyaan. Camalka wanaagsan marna ma khasaaro.
  • Qofka samaysta Akhlaaq iyo hab dhaqan wanaagsan wuxuu goostaa midhaha xushmada iyo jacaylka dadka iyo ixtiraamkooda
  • Iska jir cadhada keligaa ayay dhaawacaysaa. Maxaad u cadhoon ? Hadii aad saxan tahay looma baahna in aad cadhooto, hadii aad khaldan tahay xaqba uma lihid in aad xanaaqdo
  • Khaladka ugu weyn ee dadku sameeyo waa: waxay dhageystaan kala badh, waxay fahmaan rubuc, waxay sheegaan laba jibbaar wixi ay maqleen .
  • Caqabaduhu kuma joojin karaan, Dhibaatada kuma joojin karto, Dad wax kaa sheegay kuma joojin karaan, adiga keligaa ayaa naftaada joojin kara oo ma gudbe ka dhigi kara.
  • Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay muujiyaan wixi kaa khaldan, sababtoo ah ma xamili karaan wanaaga iyo waxa saxda ah ee aad samayso.