Habaarka Qofka Dulman!

0
67

Waxa Muslim weriyay in gabadha lagu magacaabi jiray Arwa Bintu Aways ay u tagtay Khaliifkii Marwan Binu Xakam, oo ahaa kii afraad ee Umawiyiinta iyadoo uga ashaktoonaysa in Siciid Binu Sayd uu dhulkeeda qayb ka mid ah uu xoog kaga qaatay.

 

Markii la uu weydiiyay Siciid Binu Sayd in dhulkaasi uu xoog ku qaatay waxa uu yidhi ” maya sideen ugu qaataa iyadoo aan, maqlay xadiiska Rasuulka (scw) uu ku yidhi :” Qofka taako in la mid ah oo dhul ah dulmi ku qaata, toddoba dhul ayaa maalinta qiyaame qoorta loogu duuba”.

 

Siciid Binu Sayd wuu u daayay gabadhii dhulka waana uu habaaray isagoo yidhi :”Allahyow hadday been sheegayso gabadhaasi arragga ka qaad, xabaasheedana ka dhig dhulkaasi”.

Xaqiiq ahaan gabadha Arwa way indho beeshay, iyadoo maalin dhulkeeda dhex socota ayay ku dhacday cel ka qodnaan waana ay dhimatay.